Saturday, April 26, 2025
HomeAll NewsSiyaasi Dowladda Fedaraalka ku Sifeeyay Mid Liidata oo aan Iska Dhicin Karin...

Siyaasi Dowladda Fedaraalka ku Sifeeyay Mid Liidata oo aan Iska Dhicin Karin Al-Shabaab.

Mid kamid ah siyaasiyiinta ayaa sheegay in Dowladda Fedaraalka aysan iska dhicin karin Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, haddii ay ciidanka Shisheeye baxaanna ay burburi doonto.
Siyaasigaan oo lagu magacaabo Maxamed Amiin ayaa waxa uu shaaca ka qaaday, in ciidamada Dowladda Fedaraalka ay yihiin kuwa fashilan oo aan awood ulaheyn iska caabinta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, aysanna laheyn mabda’ ay udhintaan, sidoo kalana ay awood ulaheyn la wareegitaanka xeryaha ay baneeyaan Shisheeyaha.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay udagaallameyso sidii dalka loogu xukumi lahaa Shareecada Islaamka, kuwa hasoo horjeedana aysan heysan caqiido ay ku dagaallamaan.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.