Asad Xasan Maxamed oo kamid ah siyaasiyiinta maamulka la baxay Hirshabeelle ayaa waxa uu sheegay, in maamulkaasi uu ku fashilmay amniga magaalooyinka kooban ee uu ka joogo gobalka Sh-dhexe, isagoona eedeymo ujeediyay Cali Guudlaawe oo ah hogaamiyaha maamulkaas.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Guudlaawe uu ka macaashayo lacagaha ay Shisheeyuhu ugu talagaleen maamulkiisa, uuna khilaaf ka dhaxeeyo madaxda iyo siyaasiyiinta maamulka la baxay Hirshabeelle.
Siyaasigaan ayaa intaasi ku daray, in Cali Guudlaawe uu musuq ka dhex wado maamulka, islamarkaana uu lunsaday lacago maamulka la baxay Hirshabeelle uga soo xarooday isbaarooyinka uyaalla gobalka Sh-dhexe.