Siyaasi Cabdullaahi Sheekh Xasan oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa waxa uu shaaca ka qaaday, in uusan qabsoomi karin shirka uu ku baaqay madaxweynaha Dowladda Fedaraalka Xasan Sheekh.
Waxa uu tilmaamay in Xasan haddii uu shirkaasi qabto uu la shiri doono oo kaliya xubnaha isaga taabacsan, balse aysan dhici karin in madaxda mucaaradka uu lakulmo.