Saciid Cabdullaahi oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaalida, ayaa tilmaamay in khilaafka ka dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamullada Jubbaland iyo Puntland, aanu ahayn khilaaf salka ku hayo dano Soomaaliyeed.
Wuxuu sheegay in keliya khilaafku yahay khilaaf dano shakhsiyadeed ku dhisan, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed usoo jeediyay iney ku baraarugaan dhibaatada uga imaaneyso Siyaasiyiinta danleyda ah.