Cabdullaahi Sheekh Xasan oo ah Siyaasi mucaarad ah kana soo horjeeda hanaanka siyaasadeed ee ay wax uwaddo Dowladda Fedaraalka, ayaa sheegay in garoonka diyaaradaha Xamar ay wali ku jiraan, biyihii galay xilligii roobabkii xooganaa ka da’een magaalada, Xasan Sheekhna uu sheegay inuu garoonka cusub ka dhisayo duleedka Muqdisho.
Wuxuu kaloo madaxweynaha Dowladda Fedaraalka ku tilmaamay nin kaligii taliye ah oo jecel in been loo sheego wadaadaha la joogana fatwo aan jirin siiyaan. Dhanka kale amniga Muqdisho ayuu cadeeyay inuusan ahayn mid sugan.