Mandiqadda Koonfur-galbeed ee Balqaan waxaa ka socda xiisado juquraafiyeed oo sii xumaanaya iyadoo ay jirto isbeddello waaweyn oo ku yimid nidaamka caalamiga ah iyo tartanka socda ee u dhexeeya Mareykanka, Ruushka, Shiinaha, Turkiga iyo Midowga Yurub.
Mandiqadda Koonfurta Balqaan ayaa ku soo noqotay safka hore ee loolanka loogu jira saamaynta, tan iyo markii uu madaxweynaha Mareykanka Doonal Taraam kusoo laabtay Aqalka Cad, uuna soo bandhigiy aragti cusub oo uu ku sheegay, xakamaynta isku dheelitirka, taas oo diiradda saaraysa waaqica, heshiisyada dhaqaalaha iyo amniga.
Dalka Seerbiya oo kamida waddamada dhaca gobalkan ayaa xudun u ah loonka ka socda mandiqadda Balqaan, marka loo eego baaxadda dalkaas, meesha uu ku yaallo, iyo saamaynta uu ku leeyahay gobolka, marka laga soo tago kheyraadka dabiiciga ah ee ceegaago dalkaas, oo ay ku jiraan kaydka macdanta naadirka ah ee ay daneeyaan reer Galbeedka iyo Shiinaha, gaar ahaan macdan Liithiyowmka.
Inkasta oo gobolka Balqaan uusan waligiis ka marneen dagaallo iyo loolamo, haddana isbadalladii ugu dambeeyay tan iyo markii uu dillaacay dagaalka Ruushka iyo Yukrayn ee sanakii 2022-ka ayaa waxaa daaha ka rogmay muhiimadda istaraatiijiyadeed ee gobalkan.
Midowga Yurub, oo gudaha ka daallan siyaasad iyo dhaqaale ahaanba, ayaa noqday kuwo aan awood u lahayn inay soo rogaan rabitaankooda midaysan ee ku addan gobalkan, halka Ruushka uu Balqaan ka helay meel lagama maarmaan ah oo lagu cadaadiyo gudaha hoose ee jilicsan ee reer galbeedka.
Markii uu Taraam ku soo laabtay Aqalka Cad mar labaad, waxaa uu Mareykanka dib u habayn ku sameeyay saamayntiisa juqraafiyeed ee gobalkan, maadaama Waashitoon ay u aragta gacan ku haynta marinnada Balqaan, in ay lama huraan u tahay in la xakameeyo hindisaha Shiinaha ee Xizaam-Wadhariiq ee Yurub iyo ka hortagga is balaarinta sii kordheysa ee Ruushka.
Intii lagu guda jiray muddo xileedkii hore ee madaxwaynaha Mareykanka Doonal Taraam, waxaa jiray isku dayo cad oo uu Mareykanku ku doonayay inuu dib ugu saldhigto Balqaan, waxaana ugu caansanaa heshiiskii caadiyaynta dhaqaalaha ahaa ee dhexmaray Seerbiya iyo Kosofo bishii Sebtembar sanadkii 2020-ka.
Maamulka cusub ee Taraam ayaana diiradda saaraya sidii ay xulafaysi toos ah ula yeelan lahaayeen dowlado ay ka mid yihiin Al-Baaniya iyo Kosofo, iyagoo dadaal ugu jiro, in dowladaha Maqduuniyaa iyo Busnah lagu daro mashaariicda difaaca ee NATO.
Dhanka kale, Seerbiya ayaa ah waddan u sharaxan ka mid noqoshada Midowga Yurub tan iyo sanadkii 2012-ka, waxa uuna dalkaasi dhoolatusyo milatari la sameeyaa gaashaan buurta NATO, isagoo helay maalgashiyo ballaaran oo reer Galbeed ah, haddana dhanka kale waxa uu dalkaani xiriir dhow la leeyahay Ruushka, isagoo diiday, in cuna-qabatayno lagu soo rago Mosko, waxa uu sidoo kale dalka Seerbiya la wadaagaa Ruushka mashruuca gaaska Assiil ee Turkiga.
Waxaa mudan in la xuso, in Seerbiya ay si rasmi ah u soo bandhigto labadan qodob ee kala ah, dhexdhexaadnimada siyaasadda iyo milatariga, laakiinse dhab ahaantii, waxay qarinaysaa go’aanka Madaxweynaha Seerbiya Alaksandar Fuutishiitish ee ah inuu ilaaliyo xiriiryada dhammaan dhinacyada, waxa uuna maalgashiga dalka u fasaxay la-hawlgalayaasha kala duwan, si loo hubiyo dabacsanaanta gudaha iyo dibadda.