Xaafadaha ay dadka soomaalida ah kadagan yihiin dalka koonfur Africa, gar ahaan xaafadda lagu magacaabo Mayfar ee katirsan magaalada Johannesburg, waxaa ka socdo howlgal lagu qabqabanayo dadka Soomaalida ah.
Dad gobjoogayaal ah ayaa sheegey, in sacadihii lasoo dhafay xaafadan laga qabtay dad aad u badan oo Soomaalid ah kuwasoo la dhigay xabsiga.
Booliska koonfur Afrika ee howshaan qabanaya ayaa lasheegeyaa, in uu dadka Soomaliyeed wadooyinka ku istaajinayo gawaaridoodana baarayo.