Monday, June 16, 2025
HomeUncategorizedSuudaan oo Maleeshiyaadka Xaftar ku Eedeysay Iney Qeyb ka Yihiin Colaadda Dalkeeda.

Suudaan oo Maleeshiyaadka Xaftar ku Eedeysay Iney Qeyb ka Yihiin Colaadda Dalkeeda.

Milatariga Suudaan ayaa ku eedeeyay maleeshiyaadka daacadda u ah dagaal oogaha caanka ah ee Liibiya Khalifa Xaftar inay weerareen fariisima ay ku leeyihiin xadbeenaadka u dhaxeeya labada dal, iyagoo taageeraya maleeshiyaadka Taageerada Degdega ah.

Ciidamada Suudaan ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay, in maleeshiyaadka RSF, oo ay taageerayaan kuwa Khaliifa Xaftar ay weerar kusoo qaadeen xarumo ciidan oo ay ku leeyihiin xuduudda saddex-geesoodka ah ee u dhaxaysa Suudaan, Masar iyo Liibiya, kuwaas oo ujeedadoodu ahayd inay qabsadaan aaggaas, oo ku yaalla waqooyiga magaalada Al-Faashir, oo ah xarunta gobolka Waqooyiga Daarfuur, taas oo ah mid ka mid ah jiidda hore ee ugu muhiimsan ee dagaalka’  waa sida lagu sheegay war-saxaafadeedka kasoo baxay milatariga Suudaan.

Ciidanka Suudaan ayaa sidoo kale war-saxaafadeedkooda ku sheegay, in dowladda Imaaraatka Carabta ay ka danbayso soo dagaal galinta Khalifa Xaftar, ayna Abuu-Dabi iyo kooxaha ku daaban shirqoola u maleegayaan dalka Suudaan “Waxaan difaaci doonaa dalkayaga, waananu guulaysan doonaa, iyada oo aan loo eegin heerka uu gaarsiisan yahay shirqoolka iyo gardarada ay Imaaraatka Carabta iyo maleeshiyaadka ay taageerayaan ka geysanayaan gobolka”. Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ay soo saareen milatariga Suudaan ee uu hogaamiya C/Fataax Al-Burhaan.

Waa markii ugu horeysay oo ciidamada Suudaan ay ku eedeeyaan maleeshiyaadka janaraal Khalifa Xaftar inay si toos ah ugu lug leeyihiin dagaalka socda muddada ka badan labada sano ee u dhaxeeya iyaga iyo xoogaga Taageerada Degdega ah.

Horaantii sanadkan, Yaasir Al-Cadhaa, oo xubin ka ah golaha sare ee Suudaan, ahna kaaliyaha taliyaha ciidamada Suudaan, ayaa sheegay in boqolkiiba 25 ciidamada Taageerada Degdega ah ay ka yimaadeen xoogagga Liibiya ee ka amar qaato Khalifa Xaftar.

Waxaa xusid mudan, in maleeshiyaadka daacadda u ah janaraal Khalifa Xaftar ee ka dagaalama dalka Liibiya iyo kuwa Taageerada Degdega ah ee Suudaan, ay yihiin aalado uu Imaaraatka Carabta u adeegsado xasuuqa shucuubta Muslimka ah ee ku kala dhaqan dalalka Suudaan iyo Liibiya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.