Saacadihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Garoowe ku geeriyooday 1 ruux oo shacab ah qaar kale waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii uu rasaas ku furay nin ilaalo ka ahaa mid kamdi ah hotellada Garoowe, waa sida ay tabineyso warbaahinta,e.
Qofk dhintay iyo kuwa dhaawacmay oo 3 ruux ah ayaa dhamaantood ah haween, waxay saarnaayeen mooto bajaaj mareysay gudaha magaalada.
Waxaa la sheegay in dumarkan ay da’doodu udhaxeysay 15 illaa 16 sano , waxayna ku dabaal-degayeen waxay ku sheegeen, maalin ay u asteeyeen calan qabiil, arrintaasoo dadka waxgaradka ah ku tilmaameen iney tahay qabyaalad barax la’.
Dhawaan ayey ahayd markii sidan oo kale magaalada Muqdisho ka dhacday, dhacdo lamid ah tan oo ay dhaawacyo kasoo gaareen, dhalinyaro ku howlanaa falka lagu rasaaseeyay gabdhahan oo kale.