War kasoo baxay Taliska Ciidamada Shisheeye ee duullaanka ku jooga dalka magacoodana loosoo gaabiyo AUSSOM ayaa lagu xaqiijiyay, in ciidanka Burundi ee ku sugnaa deegaanka Xawaadley ee gobalka Sh-dhexe ay isaga baxeen halkaas.
Talisku waxa uu sidoo kale xaqiijiyay in diyaarad Helicopter ah looga soo riday deegaanka Xawaadley, walow uu dafiray sababta rasmiga ah ee ay diyaaraddu usoo dhacday, taas oo uu ku sheegay cillad farsamo.
Shalay ayay aheyd markii talisma Millatariga ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab uu soo saaray, bayaan lagu sheegay in ciidamada Mujaahidiintu ay soo rideen diyaarad ay lahaayee Shisheeyaha AUSSOM, sidoo kalana ay la wareegeen deegaanka Xawaadley ee gobalka Sh-dhexe.