Thursday, July 3, 2025
HomeAll NewsTaliska Shisheeyaha Duullaanka ku Jooga Dalka oo ka Hadlay Diyaaraddii Kaga Burburtay...

Taliska Shisheeyaha Duullaanka ku Jooga Dalka oo ka Hadlay Diyaaraddii Kaga Burburtay Muqdisho.

Faahfaahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya diyaarad ay lahaayeen ciidamada Shisheeye ee duullaanka ku jooga Soomaaliya, taas oo xilli hore oo maanta ah ku burburtay xawaaxiga garoonka diyaaradaha ee magaalaada Muqdisho.

Taliska ciidamada Shisheeye ee magacoooda loosoo gaabiyo AUSSOM ayaa warsaxaafadeed kooban oo uu soo saaray ku xaqiijiyay, in diyaaraddii maanta kaga burburtay agagaarka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ay kasoo badbaadiyeen 3 kamid ah xubnihii saarnaa diyaaraddaas.

Talisku waxa uu sidoo kale sheegay, in wali nolol iyo geeri toona lagu la’yahay 5 xubnood oo mid ahaa Shisheeyihii saarnaa diyaaradda oo ay tiradooda guud aheyd 8 xubnood, isagoo intaa ku daray in ay wali wadaan baaritaanno ku aaddan waxa sababay burburka diyaaradda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.