Dagaallo culus oo u dhexeeyay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa Dowladda Fedaraalka ayaa waxa ay galabta markale ka dhaceen, duleedka deegaanka Aboorrey ee gobalka Hiiraan.
Dagaalladaan ayaa lagu jabiyay ciidamo gurmad ahaan uga soo baxay degmada Aadan-Yabaal oo soo aaday deeganka Aboorrey ee gobalka Hiiraan, islamarkaana uu hogaaminayay Odawaa Yuusuf Raage oo ah taliyaha ciidamada Dowladda Fedaraalka.
Ciidanka kasoo baxay degmada Aadan-Yabaal ayaa waxa ay u badnaayeen maleeshiyaadka Bangaraf ee uu tababartay Mareykanka.
Asad Cismaan Afrax oo ahaa taliyihii maleeshiyaadka Bangaraf ee maamulka la baxay Galmudug ayaa lagu dilay, dagaalladii galabta ka dhacay duleedka deegaanka Aboorrey ee gobalka Hiiraan.
Barqanimadii maanta ayay aheyd markii dagaallo ka dhacay isla duleedka deegaanka Aboorrey ee gobalka Hiiraan lagu dilay 14 askari oo 3 kamid ah meydadkooda looga cararay goobta dagaalka halka lagu dhaawacay 20 kale.