Tuesday, June 17, 2025
HomeUncategorizedTaliye ku Xigeenka Booliska ee Dowladda Kenya oo Iska Casilay Xilkii uu...

Taliye ku Xigeenka Booliska ee Dowladda Kenya oo Iska Casilay Xilkii uu Hayay.

Eliud Kipkoech Lagat oo ah Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska ee Dowladda Kenya ayaa lasoo warinayaa inuu iska casilay xilkii uu hayay, kadib markii dhawaan arrin fadeexad ah ay lasoo daristay Booliska dalkaas.

Sababta uu isku casilay taliye ku xigeenka Booliska Kenya ayaa lagu sheegay iney la xiriirto, dil bareer ah oo ay ciidamada Booliska dalkaasi ugeysteen wiil dhalinyaro ah oo lagu dhex dilay xabsi ku yaalla dalka Kenya.

Wiilka la dhilay ayaa waxa uu dhaliili jiray ciidamada Booliska Kenya iyo dowladda uu hogaamiyo William Ruto, taliye ku xigeenka is casilay ayaana dalbaday in sifiican loo baaro kiiska dilka loo geystay ninka la dilay.

Lixdii bishaan ayay aheyd markii ciidamada Booliska Kenya ay magaalada Niarobi oo ah caasimadda dalkaasi ku xireen, Alberta Jawaano oo ahaa wiilka dhalinyarada ah ee ay markii dambe dileen, kaas oo lagu eedeeyay inuu qoray warbixinno ka dhan ah ciidanka Booliska.

Taliska ciidamada Boolikska Kenya ayaanan illaa iyo hadda qiran eedda loosoo jeediyay ee ah iney iyagu ka dambeeyeen dilka , balse madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa waxa uu qiray in wiilkaan dhalinyarada ah uu ku baxay gacanta ciidamada Booliska.

Dalka Kenya waxaa ka socda dibadbaxyo xooggan o ka dhan ah xukuumadda Niarobi, waxaana tan iyo billawgii dibadbaxyada illaa iyo hadda dowladda Kenya ku maqan, siyaasiyiin mucaarad ah iyo dad shacab ah oo kasoo horjeeda siyaasadda dowladda, kuwaas oo qaarkood la dilay kuwa kalana aan la ogeyn halka jaan iyo cirib lala aaday.

Halkaan ka Degso Warka Taliye ku Xigeenka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.