Friday, April 18, 2025
HomeAll NewsTaliye Shub: "Waxaan Xasbiga Dhignay Askar Fulayo ah oo Kasoo Cararay Furimaha...

Taliye Shub: “Waxaan Xasbiga Dhignay Askar Fulayo ah oo Kasoo Cararay Furimaha Dagaalka”

Dowladda Fedaraalka ayaa sheegtay iney xabsiga dhigtay xubno iyada katirsan oo kasoo firxaday furimaha dagaalka.

Saraakiil iyo askar badan oo katirsan Dowladda Fedaraalka ayaa dhawaan kasoo firxaday furimaha dagaalka ee gobalka Sh-dhexe, kuwaas oo galay magaalada Muqdisho, halka qaarkoodna la sheegay iney tahriibeen.

Dowladda Fedaraalka ayaa waxa ay sheegtay iney xabsiga ku gurtay, xubno iyada katirsan oo kasoo firxaday furimaha dagaalka, iyadoona tilmaamtay in askarta qaarkood ay ka gudeen qoryihii ay gateen.

Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo ah Taliyaha ciidanka loo yaqaan Asluubta ee Dowaldda Fedaraalka, ayaa waxa uu sheegay in ay xasbiga dhigeen ciidamo soo firxaday, kuwaas oo uu ku eedeyay iney sabab u yihiin niyad jabka ciidanka.

Waxa uu intaa ku daray in askartii kasoo firxata furinta ee la qabto ay uqeybin doonaan kuwa xabsiga lagu guro iyo qaar si qasab ah loogu celiyo furumihii ay kasoo carareen, isagoona xusay in horayba ay u sheegeen in ladili doono kuwa dagaalka kasoo carara.

Halkan ka Degso Faahfaahinta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.