Saturday, June 7, 2025
HomeAll NewsTallaabo Tallaabo u baro Acmaasha Xajka (DHAGEYSO+QORAAL)

Tallaabo Tallaabo u baro Acmaasha Xajka (DHAGEYSO+QORAAL)

Xajka waa rukniga shanaad ee tiirarka Islaamka, waana mid kamid ah shacaa’irta ugu weyn ee lagu garto Muslimiinta, sanad welibana hal mar ayay gutaan muslimiinta waajibaadka Xajka.

Waxaa jirta mawaaqiid u gaar ah muslimiinta, kuwaas oo ku jaan go’an hadba Jihada ay ka imaanayaan, waxaana mawaaqiidaas xadiday Nabiga Sallaahu caleyhi wasallam, waxaana qofka xaajiga ah laga rabaa inuu halkaas kasoo xirto xajka, Talbiyadana uu kasoo billaabo.

Dadka degan magaalada Madiina waxay kasoo xarmanayaan Dul-xuleyfa, oo ah deegaan dhaca koonfurta magaalada Madiina, waxaana hadda lagu magacaabaa Abyaar Cali, 420KM ayuuna ka fogyahay magaalada Makkah.

Dadka degan dhulka Shaam, Masar, iyo galbeedka wadamada Muslimiinta waxay kasoo xarmanayaan deegaanka Al-Juxfa, oo u dhow magaalada Raabiq,  qiyaas ahaanna wuxuu magaalada Makkah u jiraa 186KM.

Yalamlam waa waadi weyn oo u dhexeeya Yaman iyo Makkah, waxana hadda lagu magacaabaa As-sacdiyah, 120KM ayuu ka fogyahay magaalada Makkah, waxaana kasoo xarmada muslimiinta Yaman iyo koonfur kacbada Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan  in miiqaadka Yalamlam ay hadda kasoo xarmadaan inta ugu badan muslimiinta ka yimaada wadamada dhaca koonfura Asia, sida Shiinaha, Indonesia, Malayziya, Hindiya iyo kuwa kale.

Qarnul-Manaazil, waxaa hadda lagu magacaabaa As-seylul Kabiir, wuxuu magaalada Makkah ka fogyahay 75km, waana miiqaadka iyo halka ay kasoo xarmadaan reer Najdi iyo  Dhaa’if.

Miiqaadka ugu dambeeya ee ay dadku kasoo xarmadaan, waa miiqaadka Daatu-cirqi, waxaa hadda lagu magacaabaa deegaankan Ad-dariiba, ama Al-khureybaad, waxaana kasoo xarmada muslimiinta ka yimaada bariga, sida Ciraaq, Iiraan iyo wadamada ka dambeya.

Afarta miiqaad ee hore waxaa sameeyay Nabiga Sallaahul caleyhi wassalam, waxaana u daliil ah xadiith saxiix ah oo ay isku waafaqeen Muslim iyo Bukhaari, kaas oo uu warinayo Ibnu Cabaas Radiyallaahu canhu, wuxuuna yiri :-

“Nabiga Sallaahu caleyhi wassalam wuxuu u jaan gooyay Reer Madiina Dul-xuleyfa, Reer-shaamna wuxuu u jaan gooyay deegaanka Al-Juxfa, Reer Najdana waxaa loo calaameeyay Qarnul Manaazil, Reer Yaman-na waxay leeyihiin Yalam-lam, wuxuuna Nabiga yiri “ Mawaaqiidaas waxaa leh dadka degan deegaannadaas iyo dadka dhankooda kayimaada, ee aan kamid ahayn dadka degan deegaannadaas, islamarkaana doonaya Xaj iyo Cumro, qofkii aan deegaannadaas ka imaaninna wuxuu kasoo xarmanayaa halka uu joogo, xitaa Reer Makkah waxay kasoo xarmanayaan Makkah”.

Miiqaadka shanaad ee Daatu-cirqi, waxaa jaan gooyay amiirul mu’miniin Cumar binul Khadhaab, sida ku cad kitaabul Xaj ee saxiixa Bukhaariga, wuxuu Ibnu Cumar Radiyallaahu canhu yiri “ markii la furtay Basra iyo Kuufa, waxay dadka halkaas degan u yimaadeen Cumar, iyagoo leh “ amiirkii Mu’miniiintow wuxuu Rasuulkii Ilaahey u xadiday reer Najdi iney kasoo xarmadaan Qarnul Manaazil, wuxuuna ku yaalaa meel ka leexsan jidkeena, haddii aan damacno inaan aadnana way nagu adkaaneysaa, markaas ayuu Cumar ku yiri, waxaad fiirisaan meel ku aadan Qarnul Manaazil oo ku taalla wadadiina, markaas ayuu u jaan gooyay Daatu-cirqi.

Inkastoo hadda aysan suuragal ahayn iney dadku ku degaan goobahaas, maadama inta ugu badan xujaajtu ay ku yimaadana diyaarado ku dega magaalada Jiddah, hadana waxay culimadu sheegaan iney waajib tahay iney dadku soo xarmadaan marka ay goobahaas ay dul marayaan, haddii ay ka cabsanayaan iney dhaafaanna waxay soo xiran karaan  marka ay diyaaradda soo raacayaan.

Marka aan intaas kaga soo gudubno mawaaqiidda Xajka iyo sida loo kala leeyahay, waxaa jira noocyo saddex ah oo loo qeybiyo qofka xaajiga ah, taas oo ku xiran hadba qasadkiisa iyo waxa uu niyeystay.

Qofka xirta Xajka oo keliya waxaa lagu magacaabaa ifraad, qofka xajka iyo cumaradaba soo wada xirteyna waxay shareecadu u taqaanaa Al-qaarin, halka mutamaticana uu yahay qofka inta soo xirta Cumrada, kadibna xalaalooba, mar labaadna soo niyeysta Xajka.

Manaasikta Xajka ee kala duwan waxaa lagu gutaa mandiqadda Al-mashaacir Al-muqaddasa oo kasoo bilaabata magaalada Makkah, islamarkaana gaarta illaa banka Carafo, iyadoo lasii marayo Mina iyo Muzdalifa.

Xujeyda ayaa marka hore aada magaalada Makkah, si ay u gutaan dhawaaful quduumka oo ah in todobo jeer lagu dhawaafo hareeraha Kacbada.

Maalinta sideedaad ee bisha  Dul Xaj, oo loo yaqaano Yowmu-Tarwiyah, waxay Xujaajtu ka dhaqaaqaan magaalada Makkah, iyagoo aadaya Mina oo 6km ka fog magaalada Makkah, halkaas ayayna sii joogaan illaa laga gaarayo maalinta sagaalaad ee Carafo.

Marka ay soo baxdo qoraxda maalinta sagaalaad ee Dul-Xaj, waxay Xujaajtu aadaan banaanka Carafo, halkaas oo ay taagnaanayaan illaa ay qoraxdu ka dhacdo, waxaya goobtaas  ku tuktaan Xujaajtu salaadaha Duhurka iyo casirka iyadoo la jamcinayo, lana sooo hormarinayo, islamarkaana la gaabinayo, waxaana loo yaqaanaa Jamcu taqdiimin wa qasr.

Buurta Carafaat waxaa ku yaala barxad weyn oo masaaxo ahaan gaarta 10km oo afarta jiho ah, waxayna Mina u jirtaa 10km.

Marka ay dhacdo qoraxda maalinta sagaalaad, waxay Xujaajtu soo aadaan Muzdalifa oo 7km ka fog Carafaat, Muzdafifa ayay Xujaajtu habeenkaas seexdaan, iyagoo halkaas ku jamcinaya salaadaha maqribka iyo cishaha, oo la gaabinayo, lana dib dhigayo.

Waxay Xujaajtu sidoo kale Muzdalifa ka uruursadaan dhegxaanta, si Mina marka ay gaaraan ay u gutaan rukniga Jamaraatka.

Subaxa tobnaad ee bisha Dul-Xaj, oo loo yaqaano Yowmu-naxri ama maalinta gowraca, waxay Xujaajtu aadaan Mina, iyagoo soo jaraya masaafo dhan 5Kiilmoter, halkaasna waxay maalinta koowaad ku gutaan dhagaxtuurashada weyn, oo loo yaqaano Jamratul-caqabatil-kubraa.

Tobnaadka waa maalinta lagu magacaabo Yowmul Xajjil Akbar, waxaana la gutaa acmaasha ugu badan ee xajka, sida sacyiga Saffa iyo Marwo, Xalqiga ama tima xiirashada, dabxiga iyo acmaal kale.

Makkah ayay soo aadaan Xujaajta si ay u gutaan dhawaaful Ifaadaha oo todobo jeer ah.

Ayaamu-tashriiqa waxay xujaajtu joogaan Mina, iyagoona maalin kasta  tuurta dhaxgtuurashada saddexda, ee kala ah dhagaxtuurashada yar, midka dhexe, iyo kan weyn, haddii qaar kamid ah Xujaajtu iska baxaan maalinta 12-aadna wax dembi ah ma saarna, sida Allaah cazza wajalla uu ku yiri kitaabkiisa kariimka ah.

وَاذْكُرُوا اللَّهَ فِي أَيَّامٍ مَّعْدُودَاتٍ ۚ فَمَن تَعَجَّلَ فِي يَوْمَيْنِ فَلَا إِثْمَ عَلَيْهِ وَمَن تَأَخَّرَ فَلَا إِثْمَ عَلَيْهِ ۚ لِمَنِ اتَّقَىٰ ۗ وَاتَّقُوا اللَّهَ وَاعْلَمُوا أَنَّكُمْ إِلَيْهِ تُحْشَرُونَ

Dhawaaful-wadaaca ama sagootinka ayaa ah manaasikta ugu dambeysa ee ay u gutaan Xujaajta, wuxuuna dhawaafkan dhacaa marka ay Xujeydu kabaxayaan Makkah, kuna sii jeedaan wadamadii ay ka yimaadeen, iyagoo Allaah weydiisanaya inuu ka aqbalo acmaashooda.

Qofka muslimka ah ee aan Alle u qadarin inuu aado Xajka, waxaa sunna ah inuu soomo maalinta sagaalaad ee Dulxaj, islamarkaana ka faa’ideysto tobanka hore ee Dulxaj oo aysan jirin camal la qabto oo ka wanaagsan, marka laga reebo Mujaahid baxay oo aan naftiisa iyo maalkiisaba midna lasoo laaban.

Halkaan ka Degso Warbixin Acmaasha Xajka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.