Maleeshiyaadka RSF ee dagaalka kula jira xukuumadda Suudaan ayaa waxay wali sii wadaan xadgudubyada foosha xun ee ay kula kacayaan dadka rayidka ah, iyadoona ay isa soo tarayaan warbixinnada laga qorayo gaboodfallada maleeshiyaadkaan.
Taqriir cusub oo ay baahisay Shabakadda Al-Jazeera ayaa daaha ka feydaya, xadgudubyo foolxun oo ay maleeshiyaadka RSF kula kacayaan dadka Muslilimiinta ah ee ku dhaqan dalka Suudaan.