Friday, July 4, 2025
HomeAll NewsTaxadiyaad Amni oo Heysta Mashruuca Moroco ee Isku Xirka Dalalka Saaxilka Afrika...

Taxadiyaad Amni oo Heysta Mashruuca Moroco ee Isku Xirka Dalalka Saaxilka Afrika iyo Badweynta Atlaantigga.

Dowladda Morooko  ayaa soo jeedinaysay mashruuc ballaaran oo marin-badeed lagu siinayo waddamo aan bad lahay oo ku yaalla gobolka Saaxil, masruucan ayaana dalalkan u suurta galinaya inay gaaraan badweynta Atlaantigga iyada oo la sii marayo kumanaan kiloomitir oo waddooyin ah, lakiise hirgalintiisu waxay wajaheysaa caqabado ka jira gobolka oo ay kamid yihiin isbedelka jiyoo-siyaasadeed iyo sidoo kale mujaahidiinta ka halgamaya dalalkaas oo raba inay xukunka ka tuuraan maamullada daba-dhilif ah ee ka jira dalalkaas.

Boqorka Morooko Maxamed 6-aad ayaa mashruucan kaga dhawaaqay khudbad uu jeediyay sanadkii 2023-ka, isagoo yiri, “Waxaan soo jeedineynaa in la bilaabo hindise caalami ah oo loogu talagalay, in lagu suurtageliyo inay waddamada Saaxil gaaraan xeebaha badweynta Atlaantigga,” gaar ahaan xeebta gobalka Saxraa’u Gharbiy, oo ah dhul ay ku muransan yihiin Morooko iyo Jabhadda Boliisariyo ee gacansaarka la leh Aljeeriya.

Rabaadh ayaana higsaneysa inay xoojiso saamaynta ay ku leedahay qaaradda Afrika iyadoo isla mar ahaantaana siinaysa dhiirigelin xooggan oo horumarineed gobolka lagu muransan yahay, kaas oo juqraafi ahaan ugu dhow waddamada Saaxilka Afrika.

Daah-furka mashruucan ayaa ku soo beegmaya iyadoo uu isbeddello ka dhacay dalalka Maali, Burkiina Faaso iyo Niijar, kuwaas oo dhammaantood ka tirsan waddamada Saaxil Afrika. Wadamadan qaniga ku ah kheyraadka ayaa sameystay isbaheysi, waxaana hogaanka u qabtay maamullo millatari oo xukunka ku qabsaday afgambi intii u dhaxeysay sanadihii 2020-ka illaa 2023-ka, iyagoo iskaashi la samaystay Ruushka kadib markii ay dalalkooda ka cayriyeen Faransiiska oo horey usoo gumeystay.

Iyadoo isbadaladaasi lala qabo, Midowga Afrika iyo ururka dhaqaalaha ee Galbeedka Afrika ee loo soogaabiyo (Ikwaas) ayaa qaatay go’aamo sii go’doomiyay saddexdan waddan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Niijar ninka lagu magacaabo Bakaari Yaawuu oo uu Boqorka Morooko ku qaabilay magaalada Rabaadh isaga iyo wasiirrada arrimaha dibadda ee Burkiina Faaso iyo Maali dhamaadkii bishii Abriil ee lasoo, ayaa waxa uu yiri “Morooko waxay ka mid tahay dalalkii ugu horreeyay ee aan isfaham ka helnay xilli ururka Ikwaas iyo dalal kale ay qarka u saaran yihiin inay dagaal nagu qaadaan”.

Saddexda wasiir waxay muujiyeen sida ay dalalkooda uga go’an tahay dardargelinta fulinta mashruucan ay ku dhawaaqday Morooko, waxayna bishii Sebtembar ee sanadkii 2023-ka samaysteen Isbahaysiga Saaxilka.

Saddexda waddan waxay hadda ku tiirsan yihiin dekedo ku yaalla dhowr waddan oo ku midaysan magaca Ikwaas, kuwaas oo kala ah, Beniin, Toogo, Senegal, Eyferi koosti, iyo Ghana, laakiinse xiriirka xun ee ay la leeyihiin kooxdan ayaa halis gelin kara isticmaalka dekedahooda.

Haweenayda Cilmi-baaraha ah ee lagu magacaabo Bayaatariis Miizaa oo ka tirsan Jaamacadda Ribaadh ee Caalamiga ah ayaa sheegtay, in xaaladda gobolka Saaxilku ay kasii dartay sababo la xiriira fashilka howlgallada militari ee ay dawladaha Yurub dhowaan ka samaynayeen dalalkaas, sida howlgalka Barkhane ee uu Faransiisku horkacayay, kaas oo kusoo idlaaday fashil iyo natiijo la’aan.

Halkaan ka Degso Warbixinta Moroco

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.