Thursday, May 1, 2025
HomeAll NewsThe Guardian: Xabsiyada Giriiga oo la Ciir-ciiraya Qoxootiga Suudaaniyiinta ah.

The Guardian: Xabsiyada Giriiga oo la Ciir-ciiraya Qoxootiga Suudaaniyiinta ah.[WARBIXIN]

Wargeyska The Gaadhiyaan ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa soo saaray warbixin uu kaga hadlayo in maamulka dawladda Giriiga uu xabsiga u taxaabay boqolaal tahriibayaal ah, iyaga oo tixraacaya sharci adag oo ay u dajiyeen dadka tahriibka kusoo gala dalkaas, kaas oo la dhaqan galiyay sanadkii 2014-kii.

Xukunka dadka loosoo xiro inay dalkaas tahriib kusoo galeen ayaa lagu xukumaa xabsi gaaraya illaa 25 sano. Wargaysaka ayaana sheegay in dadka soo galootiga ah ee ku xiran xabiyada dalkaas ay  nisbo ahaan yihiin kooxda Labaad ee ugu badan marka lagasoo tago dadka loosoo qabto dambiyada la xiriira daroogada.

Wargeysku waxa uu xusay in dadka Suudaaniyiinta ah ay noqdeen kooxda afraad ee ugu badan ee magangalyo doonka ah ee kusii qulqulaya dalka Giriiga, kuwaas oo kabatay tiro ahaan dadka soo galootiga ah ee horay ugasoo gali jiray dalkaas ee watay jinsiyadaha kale, sida Suuriyaanka iyo Falastiiniyiinta.

Waxay intaas ku dartay in jaziirada Kareet ay dhawaan noqotay marinka ugu wayn ee ay dadka tahriibayaasha kasoo galaan Giriiga, taasoo ka dhigan in afar meelood dadka soo galay dalkaas tan iyo bishii Janaayo ee la soo dhaafay ay soo mareen Jaziiradan, iyaga oo ka weecday  jaziiradaha Liisbuus iyo Saamuus oo ay horay u mari jireen dadka tahriibayaasha ah ee dalkaas kusii qulqulaya.

Saraakiisha Giriiga oo la hadlay warbaahinta dalkaas, ayuu wargaysku kasoo xigtay inay sheegeen, in inka badan 2,500 oo qof oo tahriibayaal ah ay soo gaareen Jaziirada Kareet, kuwaas oo ka yimid dalalka qaaradda Afrika. Waxay sidoo kale saxiifadu tilmaantay in tirokoobyada waxa loogu yeero hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ay muujinayso in tirada dadka soo galay jaziiraddan ay korortay inka badan lix-laab sannadkii 2024-ka marka loo eego tirakoob la sameeyay sanadkii 2023-kii.

Halkaan ka Degso Warbixinta Xabsiyada Giriiga

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.