Monday, July 14, 2025
HomeAll NewsThe Hill: Trump Waa Inuu Joojiyaa Dagaalka Aan Dhamaadka Laheyn ee Soomaaliya.

The Hill: Trump Waa Inuu Joojiyaa Dagaalka Aan Dhamaadka Laheyn ee Soomaaliya.[WARBIXIN]

Warbaahinada reer galbeedka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlaya qorshaha uu Maraykanku ku wajahayo duullaankiisa Soomaaliya, kaas oo dhiig-bax joogto ah iyo hoos u dhac dhaqaale kala kulmaya dagaalka uu kula Jiro Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Wargayska The Hill oo laga leeyahay dalka Maraykanka, kana hadla inta badan arimaha siyaasada ee dalkaas ayaa baahiyay Maqaal ciwaan looga dhigay “Trump Waa Inuu Joojiyaa Dagaalka Aan Dhamaadka Laheyn ee uu kaga jiro Soomaaliya” kaas oo uu qoray nin lagu magacaabo Alex Madajian oo horay ugasoo sheqeeyay Aqalka Koongareeska kana faaalooda arimaha siyaasada dibada ee Maraykanka.

Qoraaga Maqaalka ayaa hadalkiisa ku bilaabay hadal haynta xooggan ee uu reebay dagaalka ka dhex qarxay xukumada Shiicada ah ee Iiraan iyo maamulka Yahuudda, iyo kulug lahaanshiyaha Maraykanka ee dagaalkaas, isaga oo shacabka Ameerikaanka ah dareensiinaya dowrka ay dawladoodu ku leedahay dagaalada ka holcaya daafaha caalamka, taas oo aysan wax faa’ido ah ugu jirin dadka Ameerikaanka ah ee dhaqaalahooda loo adeegsanayo duullaanadaas.

Alex ayaa tilmaamay in dagaalka uu Maraykanku kula jiro Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab uu noqday mid kamid ah hawlgalada ugu wakhtiga dheer, wax saamayn ahna aan ku yeellan hab-sami u socodka Xarakada mujaahidiinta Al-Shabaab.

“Dagaalka ay dawladdeenu kula jirto Al-Shabaab wuxuu socdaa ku dhawaad 20 Sano, mana jirto natiijo wax ku ool ah, oo muujinaysa guul laga gaaray duulaankaas indho la,aanta ah, marka laga reebo in aan ku khasaarnay dhaqaale aad ubadan” ayuu yiri qoraaga Maqaalkan oo uu baahiyay wargeyska The Hill
Siyaasigan horay ugasoo sheqeeyay Aqalka Koongareeska Mareykanka ayaa sidoo kale tilmaamay, in isku dayada uu Maraykanku ku doonayo inuu joogitaan balaaran ku yeesho geeska Afrika, marmarsiyana uga dhiganayo la dagaalanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay tahay siyaasad khaldan, maadaama Maraykanku uusan wax cilaaqo ah la lahayn marinada geeska Afrika.

Qoraagu wuxuu si aad ah u dhaliilay siyaasiyiinta ku doodaya isku xirka ganacsiga Maraykanka iyo khalkhalka soo foodsaari kara Marinka Suways, wuxuuna sheegay in xiritaanka Marinkaas uusan wax saamayn ah ku yeelan doonin dhaqaalaha Waashintoon, hase ahaatee ay dhabarka ka jabin doonto isusocodka dhaqaalaha Shiinaha, wuxuuna baaq dheer u diray Shacabka Maraykanka isaga oo u sheegay, in dawladoodu ay ku jirto dagaal aysan wax faa’ido ah ka helayn, wax dan ahna aysan ugu jirin.

Alex ayaa Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump usoo jeediyay, in uu soo afjaro dagaalkan aan dhamaadka lahayn, dhanka kalana uu joojiyo dhiig baxa ku socda ciidamadiisa ku sugan gudaha Soomaaliya, Wuxuu sidoo kale ugu baaqay in dhaqaalaha Maraykanka ugaga baxaya siyaasada dibadda loo weeciyo wax ka qabashada arrimaha gudaha ee Maraykanka.

“Dawladeenu maaha inay faragaliso dagaal kasta oo ka socda caalamka, mana aha inay duulaan ku qaaddo dal kasta oo ay kasoo baxaan ururo jihaadi ah, iyada oo uusan jirin wax istaraatiijiyad ah oo uu dalkaasi inoo lee yahay” ayuu yiri Alakis oo ah qoraaga Maqaalkan uu baahiyay wargeyska The Hill ee kasoo baxa dalka Mareykanka.

Warbixintaan ayaa kusoo aadeysa, iyadoo waayadii lasoo dhaafay ay isa soo tareysay qayla dhaanta kasoo yeeraysa mas’uuliyiinta iyo dadka saamaynta ku leh siyaasada Maraykanka, kuwaas oo had iyo jeer ku baaqayay in Waashitoon ay lugaha kala baxdo dagaalkaan daba dheeraaday ee uu Maraykanku kaga jiro Soomaaliya tobanaankii sano ee lasoo dhaafay.

Halkaan ka Degso Warbixinta.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.