Warbixin ay daabacday shabakadda wararka ee The Intersabt ee laga leeyahay Mareykanka ayaa lagu sheegay, in askarta Mareykanka ee ku sugan bariga dhexe ay bartilmaameed u noqdeen weerarada joogtada ah, iyadoo xitaa madaxweynaha Mareykanka Doonal Taraam uu ka hadlay xabad joojin ay la galeen kooxda Xuutiyiinta ee Yaman.
Shabakadda ayaa sheegtay, iyadoo ka duulayso tirokoob ay ka heshay xafiiska xoghayaha difaaca iyo taliska dhexe ee Mareykanka, in Ciiddanka Waashitoon ee ku sugan Bariga Dhexe ay ugu yaraan la kulmeen 400 oo Weerar.
Shabakadaan Ameerikaan ah ayaana cadaysay, in weerarada ay inta badan fuliyeen maleeshiyaad ay taageerto dowladda Shiicada ee Iiraan iyo Xuutiyiinta, iyaga oo adeegsanayo diyaarado isku dhafan oo hal dhinac ah, gantaallo, madaafiic, iyo sawaariikhda Balaastikada ah, kuwaas oo ay ku garaacayeen saldhigyo rasmi ah iyo maraakiibta dagaalka ee Mareykanka ee gobolka.
Kooxahani waxay xoojiyeen weeraradooda ka dhanka ah bartilmaameedyada Mareykanka bishii Oktoobar 2023-kii, iyagoo ka jawaabayay taageerada uu Mareykanka la garabtaagan yahay Yahuudda xasuuqa ka waddo Marinka Qazza.
Marka loo eego xogtan, maraakiibta badda ee Mareykanka ayaa weerarro la kulmay 174 jeer tan iyo Oktoobar 2023-kii. Halka Saldhigyada Mareykanka ee gobolkana lala beegsaday ku dhawaad 200 weerar tan iyo markii uu bilowday dagaalka Qazza, taas oo ka dhigan inay celcelis ahaan hal maalin iyo bar kasta la kulmayeen hal weerar, sida ay sheegtay afhayeenad u hadashay Bentagoonka Mareykanka.
Weeraradan, in ka badan 100 ka mid ah ayaa lagu bartilmaameedsaday xarumaha Maraykanka ee dalka Suuriya, halka kuwa kale ee Ciraaq iyo Urdun lala beegsaday tiro intaasi ka yar.
Bishii Janaayo 2024-kii, kooxaha ka dagaalama Ciraaq ee isugu yeero Muqaawamada Ciraaq – oo ah koox hubaysan oo ay taageerto dowladda Shiicada Iiraan – ayaa weerar ay u adeegsatay diyaarad daroon ah ku qaaday saldhig malatari oo uu Mareykanku ku leeyahay degaan lagu magacaabo Rukbaan oo dhaca waqooyi-bari ee dalka Urdun, halkaas oo lagu dilay saddex askari oo Ameerikaan ahaa.
Sida laga soo xigtay wakaaladan Ameerikaanka ah, daah-furka xaqiiqooyinkan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Doonal Taraam uu maalinimadii Talaadada ee isbuucii ina dhaafay uu sheegay, in Xuutiyiinta ay is dhiibeen, waxaa uuna ku andacoodey in kooxdaas ay ku dhawaaqeen in aysan dooneyn dagaall sii socda, isaga oo intaa ku daray inay codsadeen inaan ka dayno duqaymaha iyaguna ay joojiyaan beegsiga maraakiibta uraran Maraykanka.