Tuesday, June 24, 2025
HomeAll NewsTirada Dadka ku Dhimanaya Dabka Ku Baahaya Mareykanka oo Kor usii Kacday.

Tirada Dadka ku Dhimanaya Dabka Ku Baahaya Mareykanka oo Kor usii Kacday.

Iyadoo wali dabku ka holacayo gobolka Kaliforniya ee dalka Mareykanka oo ay ku taalla magaalada Los Angeles, ayaa waxaa dhanka kale marba marka ka dambeysa kor usii kacaya tirada dadka naftooda ku waynaya dabkan ky baahaya gobolkaasi.

Marka la fiiriyo tirakoobkii ugu damyay waxay warbaahintu tebineysaa, iney ku dhinteen dabka ka socda Kaliforniya dad gaaraya 24 ruux.

Dhinaca kale dabka ayaa kusii fidaya gobolka gaar ahaan magaalada Los Angeles, isagoo ku dhawaaday dhismayaasha qeyb hor leh oo  kamid ah xaafadaha magaalada.

In ka badan 150,000 [ boqol iyo konton kun] ruux oo looga cabsi qabo inuu soo gaaro dabka, ayaa laga barakaciyay guryahooda oo ku yaalla mandiqado kala duwan oo katirsan gobolka Kaliforniya.

Mar la fiiriyo dhanka dhaqaalaha, waxay wararku sheegayaan iney ku basbeeshay hanti lagu qiyaasaday 150 bilyan oo Doollar.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.