Wednesday, July 9, 2025
HomeAll NewsTirada Dadka ku Dhintay Dibadbaxyo ka Dhacay Dalka Kenya oo Gaartay 30...

Tirada Dadka ku Dhintay Dibadbaxyo ka Dhacay Dalka Kenya oo Gaartay 30 Ruux.

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha nafeed ee ka dhashay, mudaaharaadyado horleh oo ka dhacay dalka Kenya kuwaas oo looga soo hojeedo Xukuumada Nairobi.

Hey’ad sheegata iney udoodo insaanka ee oo ka howlgasha dalka Kenya ayaa waxa ay shaaca ka qaaday, in ugu yaraan 31 ruux ay ku dhinteen dibadbaxyada halka in ka badan 107 ruux ay dhawacmeen.

Hay’ada ayaa sidoo kale sheegtay in ay jiraan dad la qafaashay oo aan la ogeyn meel ay jaan iyo cirib dhigeen, warsaxaafadeed ay soosaartay hey’addaan ayayna ku sheegtay in labo ruux la afduubtay maalintii Isniinta ee lasoo dhaafay.

Booliska dalka kenya ayaa lagu eedeenayaa in ay si bareer ah u tooganayaan dadka mudaaharaadayaasha ah, kadib markii uu wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya uu todobaadkii hore u sheegay booliiska, in ay toogtaan qof kasta oo u soo dhawaada saldhigyada booliiska oo kamid ah dadka dibadbaxyada dhigaya.

Halkaan ka Degso Warka Kenya

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.