Waxaaa si wayn u Kordhay Khasaaraha Nafeed ee ka dhashay dadadka iyo fatahaadaha maalmo xiriir ah ka socda gobolka Texas ee Waddanka Mareykanka.
Guddoomiyaha gobolkaas, ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku dhawaaqay, in tirada dadka ku nafwaayay daadadka ku fatahay gobalkaas ay sii cagacagaynayso 109 qof oo Ameerikaan ah, halka noolal iyo geeri lagu la’yahay 161 ruux oo kale, marka intaasi lagu daro, burbur hantiyadeed oo ka dhashay fatahaadahaas.
Afar maalmood kadib markii daadad xooggan ay ku dhufteen dhowr goobood oo ka tirsan gobolka Texas, waxaa aad u yaraatay rajadii laga qabay, in la helo dad ka badbaaday fatahaadahaas, iyadoo kooxaha samatabbixinta ay sii wadaan baadigoobkooda iyagoo isticmaalaya diyaaradaha qumaatiga u kaca, kuwa aan duuliyaha lahayn, iyo eeyaha wax uriya.
Mareykana oo caan ku ah la dagaalanka Islaamka iyo ehelkiisa ayaa wajahayo masiibooyin rabaani ah oo dhaxashiiyay khasaarooyin waawayn oo dhan walba ah.