Waxaa aad usii korortay tirada dadkii ku dhintay dhulgariiro maalmo kahor ka dhacay wadanka Burma ee qaaradda Aasiya, taasoo gaartay kumanaan ruux.
Tiro koob cusub oo lasoo saaray ayaa sheegaya, in ugu yaraan 3,085 [sedax kun iyo sideetan iyo shan] qof ay ku dhinteen dhulgariiradan halka ay ku dhaawacmeen 4,715 [afar kun shan boqol iyo toban iyo shan] ruux, 341 kalena la la’yahay.
Xukuumadda dalkaasi ayaa tiro koobkan maanta soo saartay, waxayna ku sheegtay bayaan kasoo baxay.
Waxaa intaasi sii dheer oo dhulgariirooyinkan ku burburay kumanaan guri, buundooyin iyo wadooyin, maadaama uu ka dhaceen magaalada labaad ee ugu wayn dalkaasi.