Saacadihii lasoo dhaafay waxaa balli ku yaalla degaan hoostaga degmada Oodweyne ee gobolka Togdheer ku geeriyooday, labo caruur ah oo da’doodu kala tahay 6 jir iyo 4 jir, waxayna ahaayeen gabar iyo will isla dhashay.
Caruurtan ayaa ku dhacay balliga xilli ay dadkii ka dhaansadeen oo uu cidlo ahaa, waxayna ku dhinteen halkaasi iyagoo aan helin wax gurmad ah, islamrkaana goor dambe la tebay, maadaama ay xoolo ku raacayeen halkaasi.