Inta la xaqiijiyay 5 caruur ah ayaa waxa ay xanuunka Shuban-biyoodka ugu geeroyoodeen, kaam ku yaalla magaalada Dhoobley ee gobalka Jubada-hoose.
Dadka ku dhaqan halkaas oo mudooyinkii lasoo dhaafayba wajahayay xaalado kala duwan, ayaa waxaa hadda saameyn ku yeeshay xanuunka ka dillaacay magaalada, kaas oo gallaaftay nolosha caruurta yaryar.
Qaar kamid ah dadka ku dhaqan kaamka ayaa waxa ay ka warbixiyeen caruurta geeriyootay iyo xaaladda ka jirta halkaas.