Yahuudda ayaa subaxnimadii hore ee maanta duqeymo ay shuhado iyo dhaawac ku noqdeen dad u badnaa carruur iyo haween ka geysatay goobo kala duwan oo ku tirsan Marinka Qazza, sida ay ku warantay wakaaladda Falastiin ee Wafaa.
Wakaaladda oo soo xiganayso Ilo dhanka caafimaadka ah ayaa sheegtay, in labo qof oo rayid ah ay ku shahiideen, halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii diyaaradaha Yahuudda ay duqeymo dhanka cirka ah la beegsadeen guri ku yaalla waqooyiga magaalada Al-Zawaayidah ee bartamaha marinka Qazza, iyadoo dadka dhaawacmay loo gudbiyay Isbitaalka Shuhadaa’u Al-Aqsaa ee ku yaalla magaalada Deyrul-Balax.
Ilo wareedyo ayaa sidoo kale sheegay, in gabar yar ay ku shahiiday, tiro kalana ay ku dhaawacmeen weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Yahuudda la eegteen teendho ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah oo ku taalla deegaanka al-Mawaasi ee galbeedka ka xiga magaalada Khaan Yuunis, ee koonfurta marinka Qazza.
Dhanka mukhayyamka Nusatraad ee ku yaalla bartamaha marinka Qaza, waxaa laga soo sheegayaa shahiidka labo qof iyo dhaawaca toro kale, kadib duqayn ay Yahuudda saaka la beegsatay guri ku yaalla mukhayyamkaas.
Wararka aan ka helayna marinka Qazza ayaa intaasi ku daraya, in ciidamada Yahuudda ay madaafiic aan loo meeldayaynin ku garaaceen Xaafadaha kala ah AZeytuun, AShujaaciyyah iyo Attuffaax oo ka tirsan magaalada Qazza, iyagoo sidoo kale rasaas hadaf la’aan ah ku furay guryaha dadka rayidka ee ku yaalla bariga magaaladaas, taas oo ay kasoo ridayeen gudaha gawaarida gaashaamaa.
Dadka ku shahiiday duqeymaha uu gumaystaha Yahuudda ka wado marinka Qazza tan iyo maalintii shalay oo Isniin ahayd ayaa kor u dhaafaya illaa 50 qof, halka tobanaan kalana ay ku dhaawacmeen, dadka shuhada iyo dhaawaca ku noqday duqeymahaas ayaana dhamaantood ahaa dad rayid ah oo u badnaa carruur iyo haween, sida ay ku warantay wakaalada afka Falastiiniyiinta ku hadasha ee Wafaa.
Geesta kale, Yahuudda ayaa dhawaan ku dhawaaqday inay balaarinayso baaxadda hawlgalladeeda ka socda Marinka Qazza, taas oo keentay, in ciidamadooda ay uga digaan, in arintaasi ay halis gelin karto nolosha maxaabiistooda ku harsan marinka Qazza.
Sida uu qoray wargeyska Haartis ee ka soo baxa gudaha Yahuudda, mas’uuliyiin ka tirsan millatariga Yahuudda ayaa la wadaagay wasiirrada kayyaanka Yahuudda walwalka iyo walbahaarka ay ka qabaan, in ay gacantooda ku baxaan maxaabiistooda wali ku jeebaysan jeelalka muqaawamada Falastiin, ama ay gaajo iyo haraad u geeriyoodaan maadaama ay go’doon kusoo rogeen Marinka, balse sida ay wararku tibaaxayaan, digniintaas waxay noqotay mid aan dheg jalaq loo siinin.
Yahuudda ayaana jabisay horaantii bishii Maarso hashiiskii maxaabiis isdhaafsiga ahaa ee ay la gashay muqaawamada Falastiin, iyadoona dib u bilawday duqeymaheeda cadawtooye ee ka dhanka ah xayndaabka go’doonsan ee Qazza.