Gumaystaha Yahuudda ayaa halkiisa kasii wado duulaankiisa ka dhanka Marinka Qazza, iyadoo lasoo sheegayo, dad horleh oo shuhado iyo dhaawac ku noqday duqeymo uu gumaystaha ka fuliyay gooba kala duwan oo ka tirsan marinka Qazza.
Maanta oo Talaado ah, diyaaradaha guumeystaha Yahuudda ayaa duqeymo ku garaacay isbitaal lagu magacaabo Majmacu Naasir oo ku yaalla magaalada Khaan Yuunis, ee koonfurta marinka Qazza.
Duqeymahaas ayaana waxa ku geeriyooday suxufi wararka kasoo tabin jiraya marinka Qazza, wariyaan oo lagu magacaabi jiray Xasan Asliix ayaa ku geeriyooday gudaha mid kamida qolalka isbitaalka, xilli laga daweynayay dhaawac hore oo ka soo gaaray duqeymaha ay Yahuuddu ka waddo Marinka Qazza, geerida saxafigaan ayaana aad u qabsatay baraha ay bulshadu ku wado xiriirto.
Marka lagu daro wariyahaan, 213 suxufi oo isugu jira rag iyo dumar ayaa ku baxday gacanta maamulka Mujrimka ah ee Yahuudda tan iyo markii uu bilaabay xasuuqyada iyo isir-sifaynta uu ka wado marinka Qazza, isagoo beegsiga suxufiyiinta uga gol-leh inu afka qabto warbaahinta soo tabinayso gabood fallada uu ka wado halkaas.
Sidoo kale diyaaraha cadawga Yahuudda ayaa saqdii dhexe ee habeenkii xalay duqeymo cadawtooyo ku garaacay deegaanka Al-Camuudiyi ee waqooyiga magaalada Qazza, waxaana halkaasi ku shahiiday saddax qof oo isku qoys ahaa, kuwaas oo kala ahaa, aabihii qoyskaas, xaaskiisa iyo ilmo ay dhaleen.
Wararka ayaa intaasi ku darayo, in diyaaradaha dagaalka ee gumeystaha Yahuudda ay weerar dhanka cirka ah ku qaadeen guri ay daganyihin dad rayid ah oo ku yaalla mukhayyamka Shaadh’i ee galbeedka magaaladaasi, lamana oga khasaaraha ka dhashay duqeymahaasi.
Goor sii horaysay oo xalay saqdii dhexe ah, 3 qof oo rayid ah ayaa ku shahiiday halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen, kadib duqeymo ay Yahuuddu la beegsatay goobo kala duwan oo ka tirsan magaalada Khaan Yuunis.
Ilo dhanka caafimaadka ah oo ku sugan marinka Qazza ayaa warbaahinta u sheegay, in illaa 42 qof oo rayid ah ay ku shahiideen marinka Qazza tan iyo waaberigii Isniintii shalay, kadib markii Yahuuddu ay silsilado weerarro ah ku qaaday gooba kala duwan oo ka tirsan xayndaabka go’doonsan ee Qazza.
Geesta kale, wararka ka imaanay dhanka Yahuudda ayaa ku waramaya, in Ra’iisul wasaaraha Yahuuddu Binyamiin Netanyaahu uu go’aansaday inuu wafdi wada-xaajood ah uu maanta u diro caasimadda Qadar ee Dooxa, si ay ugala hadlaan xabbad-joojin iyo qorshe maxaabiis is dhaafsi ah oo ay la galaan muqaawamada Falastiin.
Bayaan ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Yahuudda galabnimadii shalay ayaa lagu yiri, “Netanyaahu waxa uu amray, in wafdi loo diro magaalada Dooxa berri oo Talaado ah, si ay uga wada xaajoodaan qorshe maxaabiis isdhaafsi ah oo uu soo bandhigay ergayga Mareykanka ee bariga dhexe”.
Inkastoo macluumaad waafi ah laga haynin go’aankaan uu ku dhawaaqay, Ra’iisul wasaaraha kayyaanka Yahuudda, hadana waxa uu kusoo aadayaa xilli uu sii balaarinayo hawlgalladiisa iyo camaliyaadkiisa ka dhanka marinka Qazza, taas oo meesha ka sarayso inuu Netanyaahu u sacyinayo xabad-joojin ka hergasho xaydaabka go’doonsan ee Qazza.