Waxaa sii kordheysa tirada dadka qaxootiga ah ee kasoo cararaya iskahorimaadyada ka socda bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo, una qaxaya dalka Burundi, iyagoo dalkaasi ku wajahaya duruufo aad u qalafsan iyo daryeel la’aan.
Waxa loogu yeero Qaramada Madoobey ayaana sheegtay, in inka badan 71 Kun oo qof ay u gudbeen dalka Burundi tan iyo bilowgii sanadkan, kuwaasoo ka cararaya rabshadaha ka taagan bariga dalkaas.
Waxayna intaa ku dartay, in xero qoxooti ah oo dhacda meel u dhaw xudduudka labada dal looguna talagalay inay qaabisho 3 Kun oo qof oo keliya, ay hadda ku nool yihiin ku dhawaad 16 Kun oo qof, taas oo ah tiro dhawr jeer kusoo jibaarmaysa cadadka loo qoondeeyay xeradaas.
Xogaha ayaa intaasi ku daraya, in kala bar la jaray raashiinkii dadkaasi la siin jiray, iyadoo hay’adaha sheegta inay bixiyaan gargaarka ay ka digayaan, in uu raashinkaasi dhammaan doono dhamaadka bisha Juun ee soo socota haddii aan la helin maalgelin dheeraad ah, iyadoo waddanka Burundina uu yahay dal faqiir ah oo aan maarayn karin noolasha dadkaas.
Sidoo kale, dhibaatada bini’aadantinimo ee haysato qaxootiga Koonga ee u qaxay dalka Burundi kuma koobna oo kaliya xagga cunno yarida, waxaana lasoo warinayaa, in teendhooyinka barakacayaasha ay buux dhaafiyeen biyaha roobab halkaasi ka da’ayo, maadaama teendhooyin markii hore si kumeel gaar ah looga dhisay dhul-beereedyo hoose, taasoo khatar ku ah inay sii kordhiso faafitaanka cudurrada, halka iskuullada, rugaha caafimaadka iyo nidaamyada fayadhowrkaba ay yihiin kuwo aan jirin ama gebi ahaanba burburay, sida uu ka dhawaajiyay mas’uul ka tirsan Qaramada Madoobey.
Tan iyo bishii Jannaayo ee la soo dhaafay, bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo waxaa ka dhacayay weeraro xooggan oo ay isweydaarsadeen fallaagada M-23 ee ay taageerto Ruwaando iyo ciidamada dalkaas, taasoo sababtay dhimashada in ka badan 7 Kun oo rayid ah iyo barakaca tobanaan kun oo qof, kuwaas oo u qaybsamay wax dalkaas gudihiisa ku barakacay iyo kuwa dibaddiisa maciin biday.