Wararka laga helayo wadanka Tanzaaniya ayaa sheegaya in dalkaas uu ka dhacay shil ay ku naf waayeen ku dhawaad 40 qof, kaddib markii bas siday dad rakaab ah uu ku dhacay gaari kale, iyadoo shilkaas uu sababay dab xooggan oo qabsaday labada gaari ee isku dhacay.
Shilkan oo ay ku dhinteen 38 qof ayaa si gaara uga dhacay deegaanka Sabasaba, oo ka tirsan gobolka Kilimanjaaro ee dhaca waqooyi bari dalka Tanzaaniya, meel u dhow xadka uu dalkaasi la wadaago Keenya, sida ay sheegeen warbaahinada dalkaas.
Dadka shilka ku dhintay ayaa waxaa kamid ahaa labo haween ah, kuwaas oo si toosa wajiyadooda loo gartay, halka inta kale aan si rasmi ah loo aqoonsan, maadaama ay si xun ugu gubteen dabka ka kacay shilka labada gaari. Dhacdadan ayaa qayb ka ah shilal noocan ah oo uu dalka Tanzaaniya la daalaa dhacayo mudooyinkii dambe, kuwaas oo galaaftay nolosha boqolaal qof.