Sunday, July 20, 2025
HomeAll NewsTobanaan Qof oo Shuhado iyo Dhaawac Ku Noqday Duqeymo Cusub oo ka...

Tobanaan Qof oo Shuhado iyo Dhaawac Ku Noqday Duqeymo Cusub oo ka Dhacay Qazza.

Gumaystaha Yahuudda ee taageerada iyo taakulaynta ka helayo dowladaha reer Galbeedka ayaa sii wada dagaalka gumaadka iyo isir-sifayta ah ee ay ku hayaan marinka go’doonsan ee Qazza, waxayna ciidamada gumeystaha Yahuudda maanta duqeymo cirka ah iyo madaafiic ku qaadeen deegaanno dhowr ah oo ka tirsan marinka Qazza, iyadoo ay sii korartay macluusha baahsan ee ka jirta xayndaabka Qazza.

Wararka maanta oo Sabti ah ka imaanaya marinka Qazza ayaa ku waramaya, in ciidamada Yahuudda ay rasaas oodda uga qaadeen dad gaajaysan oo isugu soo baxay galbeedka magaalada Khaan Yuunis ee koonfurta marinka Qazza, waxaana halkaasi ku shahiiday, 29 qof oo rayid ah, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 100 kale, sida ay sheegeen hawl-wadeennada caafimaadka ee ka hawgallo xarunta caafimaadka Naasir ee ku taalla magaalada Khaan Yuunis.

Maalintii shalay oo Jimco ahayd, diyaaradaha dagaalka ee Yahuudda ayaa duqeymo xooggan ka geystay gooba kala duwan oo ka tirsan jiidda Qazza, duqeymahaas oo ay shuhado iyo dhaawac ku noqdeen Tobanaan qof oo rayid ah.

Ilo dhanka caafimaadka ah oo ku sugan marinka Qazza ayaa xusay, in 41 qof oo rayid ah ay ku shahideen marinka Qazza tan iyo waaberigii Jimcihii, kuwaas oo ay ku jireen dad gaajo darteed uga soo baxay guryahooda.

Sidoo kale, xafiiska Warbaahinta ee maamulka marinka Qazza ayaa xaqiijiyay Jimcihii, in tirada carruurta u dhimatay nafaqo-xumada ay gaartay 69 cunug, iyadoo tirada guud ee dadka u dhintay macluusha ka jirta marinka Qazza ay gaartay 620 qof.

Dhankiisa, agaasimaha isbitaalka Al-Shifa ee magaalada Qazza ayaa warbaahinta u sheegay, in isbitaallada ay la tacaalayaan boqollaal xaaladood oo ka dhalatay gaajo iyo nafaqo darro aad u daran.

Wuxuu intaas ku daray in isbitaalka ay ka maqan yihiin sariirradda bukaannada iyo dawooyin lagama maarmaan ah, isagoo xusay in ku dhawaad 17 Kun oo carruur ah ay la ildaran yihiin nafaqo darro ba’an oo ka jirta Marinka Qazza.

Dhankooda, ururada aan dawliga ahayn ee Falastiiniyiinta ayaa waxa ay ku nuuxnuuxsadeen, in Qazza ay la kulmeyso wajigii ugu xumaa ee masiibo bini’aadantinimo ah taasoo ka dhalatay siyaasadda gaajaysiinta ah ee gumaystaha Yahuudda.

Allaah Subxaanahu watacaalaa ayaan ka baryaynaa inuu ehelkeenna reer Qazza ka dulqaado cadawgaan aan u diirnaxaynin ee Yahuudda uuna ka siiyo nasri iyo guul degdeg ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.