Warbaahinta Yahuudda ayaa ku warantay, in gantaaladii ay Iiraan saacadihii lasoo dhaafay ku qaaday dhulka ay Yahuuddu gumaysato ee Falastiin ay si toos ah u garaaceen bartilmaameedyo ku yaallo magaalooyin ay kamid tahay Talla-biib, kuwaas oo sababay dhaawacyo fara badan iyo burbur baahsana ka geysatay magaalada Talla-biib.
Waxayna intaas ku dartay warbaahinta Yahuudda, in tirada dadka ku dhaawacmay duqeymahaas ay sii cagacaynayaan 65 qof, kuwaas oo qaarkood uu soo gaaray dhaawacyo garaab ah.
Wararka ayaa intaasi ku darayo, in burbur xoogan ay gantaallada Iiraan u geysteen 5 goobood oo ku yaala magaalada Talla-biib, halkaasi oo dabkii ka kacay uu wali socdo.
Warbaahinta Yahuudda ayaana ku warantay, in mid kamida gantaallada Iiraan uu si toos ah ugu dhacay isbitaal milliteri oo lagu magacaabo Suuruukaa oo ku yaalla magaalada Bi’ru Sabac ee gumaysiga ku jirata, isbitaalkaas oo lagu dabiibo askarta Yahuudda ee ku soo dhaawacanto marinka Qazza, iyadoo baraha bulshada aad la isula dhexmarayay sawirrada laga soo qaaday isbitaalka oo burbur xooggan uu soo gaaray.