Tuulooyin hoostaga deegaanka Laba-garas oo duleedka ka ah degmada Cadalle ee gobalka Sh-dhexe ayaa waxaa markale ka dhacay dagaallo qaraar oo udhexeeyo maleeshiyo-beeleedyo wada dega gobalka.
Dagaalka oo la sheegay iney qeyb ka yihiin ciidamada Dowladda Fedaraalka ayaa waxaa lasoo warinayaa in lagu dilay 30 ruux oo ubadan dhinacyada dagallaamay, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya, in maleeshiyaadka ay kala qafaasheen tiro dad ah, waxa uuna kusoo aadayaa iyadoo dhawaan dagaal ka dhacay halkaasi ay ku geeriyoodeen 7 ruux oo ay haweeney ku jirtay.