Tuesday, June 3, 2025
HomeAll NewsTobannaan Ruux oo Shuhado & Dhaawac ku Noqday Duqeymo ka Dhacay Qazza.

Tobannaan Ruux oo Shuhado & Dhaawac ku Noqday Duqeymo ka Dhacay Qazza.

Wararka maanta oo Axad ah naga soo gaaraya Marinka Qazza ayaa ku waramaya, in ciidamada Yahuudda – ee har iyi habayn u taagan xasuuqa dadka rayidka ah- ay subaxnimadii hore ee maanta xasuuq u geysteen dad raaashin gargaar ah ku sugayay galbeedka magaalada Rafax ee koonfurta marinka Qazza, waxaana xasuuqaas shuhado iyo dhaawac ku noqday Tobanaan ruux oo shacab ah.

Xasuuqaan oo ay maanta warbaahinnada ugu yeereen majzaradii gargaarka ayuu gumaystaha Yahuudda kula kacay dad u badnaa dhalinyaro, kuwaas oo ku sugnaa meel u dhow goob laga qaybinayay raashin oo ku taalla galbeedka magaalada Rafax.

Wariyaha Aljaziira uga soo warama marinka Qazza ayaa soo sheegay, in xasuuqan ay ku shahiideen 30 qof oo shacab ah, halka ay ku dhaawac 120 kale, kuwaas oo dhamaantood ku waxyeeloobay rasaasta ay gumaystaha xaaqidka ah ee Yahuudda uu sida bareerka ah ugu furay dadka rayidka ah, taas oo uu kasoo ridayay gudaha gawaarida gaashaaman iyo diyaaradahiisa dagaalka.

Xafiiska warbaahinta ee maamulka marinka Qazza ayaa majzaradaani si kulul uga hadlay waxa uuna xafiiska bayaan uu soo saaray ku sheegay, in gumaystaha Yahuudda uu goobaha  lagu qaybinayo gargaarka bini’aadinimo u badalay dabinno uu ku xasuuqa dadka rayidka ah, isagoo waa gumaystaha ee gargaarka u isticmaalayo qalab uu ku xasuuqa dadka marasta ah ee gaajaysan, Xafiiska warbaahinta ee maamulka marinka Qazza ayaa tibaaxay, in dambiyada cusub ee uu gumeystaha Yahuuddu galay ay cadeyn u tahay sii wadida fulinta qorshaha gaajaysiinta reer Qazza.

“Gumeystaha Yahuudda iyo Mareykanka ayaa si buuxda u qaadaya mas’uuliyadda xasuuqa joogtada ah ee ka dhacaya goobaha huwan magaca gargaarka bini’aadantinimo ee beenta ah”. Ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay  Xafiiska warbaahinta ee maamulka marinka Qazza.

Waxayna  intaasi ku dareen, in tirada dadka ku shahiiday goobaha gargaarka lagu qaybiyo muddo toddobaad gudihiis ah ay gaarayso 39 qof, halka dhaawacana uu ka badan yahay 220 qof.

Gumaystaha arxanka daran ee Yahuudda ayaa hor istaagay, in shaqaalaha ambalaasta iyo kooxaha caafimaadka ay gaaraan goobta uu saaka xasuuqa ka dhacay ee galbeedka Rafax, sida uu shaaca ka qaaday Faaris Cafaanah, oo ah agaasimaha gaadiidka gurmadka deg-degga ah iyo caafimaadka ee waqooyiga Qazza.

Sidoo kale mid kamida dhaqaatiirta marinka Qazza oo lagu magacaabi jiray Xamdiy Annajjaar ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray duqeyn hore oo ay Yahuuddu la beegsatay gurigooda oo ku yaalla koonfurta Khaan Yuunis, waxa uuna dhaqtarka ka daba tagay sagaal carruur ah oo uu dhalay, kuwaas oo ku shahiiday duqeymaha laayaanka ah ee ay Yahuuddu ka waddo marinka, sida ay sheegeen masaadir dhanka caafimaadka ah oo ku sugan marinka Qazza.

Ilo maxalli ah ayaa sidoo kale warbaahinta u sheegay, in duqeymaha ay Yahuuddu ka waddo marinka Qazza ay ku shahiida haweenay dhaqtarad ah oo lagu magacaabi jiray  Aayah Madaxta iyo ninkeeda, xilli ay daryeel caafimaad u fidinayeen dad barakacayaal ah oo ku sugan Marinka Qazza.

Gumaystaha Yahuudda ee ay dowladaha reer galbeedka ku beereen waddanka Muslinka ah ee Falastiin ayaa adeegsanayo hab kasta oo uu ku xasuuqi kara tiro badan oo ka mid ah dad rayidka ah ee ku nool xayndaabka go’doonsan ee Qazza.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.