Weerar toogasha ah oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray booliis Ameerikaan ah ayaa ka dhacay magaalo lagu magacaabo Baldawiin Barka oo ku taalla galbeedka magaalada Loos-Anjalis ee dalka Mareykanka, sida ay shaaca ka qaadeen booliiska gobalkaas.
Taliyaha booliska ee degmada Loos-Anjalis oo faahfaahin ka bixinayay dhacdadaan ayaa sheegay, in booliiska lasoo gaarsiiyay khabarka ah goob ay toogasha ka socoto oo kamida magaalada Baldawiin Barka, markii ay goobta gaareena iyag la rasaaseeyay, taas oo keentay dhimashada hal askari oo booliis ah iyo dhaawaca mid kale halka goobta loogu tagay ruux kale oo mayd ah.
Waxa uu intaasi ku daray taliyaha booliska, in ruuxa lagu tuhmaya inuu weerarkaan fuliyay loo taxaabay xabsiga isagoo dhaawac ah, ayna socdaan baaritaanno ku aadan dhacdadaan.