Thursday, June 19, 2025
HomeAll NewsTrump oo kulan ay Al-baabada u Xiran Yihiin Aqalka Cad Kula Qaatay...

Trump oo kulan ay Al-baabada u Xiran Yihiin Aqalka Cad Kula Qaatay Taliyaha Guud ee Ciidamada Pakistan..

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Arbacadii shalay kulan qarsoodi ah Aqalka Cad ee looga taliya Mareykanka kula qaatay taliyaha guud ee ciidamada Bakistaan Caasim Muniir, kaas oo ay darajadiisu tahay Fiildi Maarshaal.

Waana markii ugu horeysay oo Madaxweyne Mareykan ah uu Aqalka Cad ku qaabilo taliye ka tirsan Ciidamada Bakistaan iyadoo aysan la soconin saraakiil sar-sare oo rayid ah oo ka tirsan dowladda Bakistaan.

Kulankan uu Trump la yeeshay taliyaha guud ee ciidamada Bakistaan Caasim Muniir ayaa  waxaa suura-gal ah in uu sare u qaada, xiriirka ka dhaxeeyo Maraykanka iyo Bakistaan, kaas oo hoos u dhac weyn uu ku yimid  muddo xileedkan Taraam iyo kii Madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Joo Baydhan, iyagoo doonayay inay xoojiyaan xiriirka kala dhexeeya Hindiya, taasoo qayb ka ah dadaallada ay kaga hortagayaan Shiinaha.

Inkasta oo aan la shaacinin waxa ay Trump iyo Muniir uga wada-hadleen kulankaas qarsoodiga ah, haddana waxa uu kusoo beegmay xilli xasaasi oo ay faraha ka baxday xiisadda u dhexayso Iiraan iyo Yahuudda, iyadoo la filayo in Mareykanka uu dhankiisa kasoo gali doona colaaddaas.

Waxaana xusid mudan, in Bakistaan ay cambaareysay duqeymaha ay Yahuuddu ku qaaday Iiraan, iyadoo sheegtay waa Bakistaane inay garab taagan tahay Tehraan, waxaana macquul ah inay wax iska badalaan mawqifkaas ay qaadatay Islama-Baad kadib kulunkan, maadaama ciidamada Bakistaan loo arko kuwo saameyn ku leh siyaasada amniga qowmiga ah ee Bakistaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.