Dowladda Maraykanka ayaa Sheegtay in Soomaaliya ay kamid tahay Dalalka la geyn doono Dadka Laga Barakicinayo Qazza.
Sida uu daabacay wargeyska Jerusalaam Post ee kamid ah warbaahinta maamulka Yahuudda, waxaa Maraykanku qorsheynayaa in dadka muslimiinta ah ee laga barakicinayo Qazza la geeyo dalal ay kamid yihiin Soomaaliya.
Donald Trump ayaa ka fakaraya sida warbixinta lagu sheegay, dalalka caalamka Islaamka ee la geyn doono dadka reer Qazza, ee Yahuudda iyo Maraykanku damacsanyihiin iney awood uga barakiciyaan dhulkooda, si loogu wareejiyo Yahuudda.
Sida warbixinta wargeyska lagu sheegay, deegaannada ay ka arimiyaan maamullada Puntland iyo Somaliland ee Soomaaliya ayaa kamid ah goobaha uu Trump qorsheynayo, in la keeno dadka muslimiinta ah ee laga soo barakicinayo dhulkooda, waa haddii uu hirgalo qorshaha dhagreysan ee uu Maraykanku wado.
Horay wuxuu Donald Trump madaxweynaha Maryakanka u sheegay, in dalalka Masar iyo Urdun ay kamid yihiin wadamada la geyn doono reer Qazza, marka Maraykanka iyo Yahuudda oo iskaashanaya ay isku dayaan iney barakiciyaan muslimiinta Qazza.
Damaca dhalanteedka ah ee Donald Trump uuna ku doonayo barakicinta reer Qazza ayaa waxaa si diiran usoo dhaweeyey ra’iisul wasaaraha Yahuudda Bin Yamin Natanyahu, waxaana uu sheegay inuu yahay qorshihii ugu wanaaagsanaa ee uu noloshiisa maqlo, sida uu warka u dhigay.
Muslimiinta Qazza iyo Muqaawamada ayaa dhankooda waxay tilmaameen in wax weliba oo dhaco aaney jirin cid awood u leh iney ka barakiciso dhulkooda, ayna joogi doonaan iyagoo nool, ama lagu aasi doono iyagoo shuhado ah, wax intaasi ka dhexeeyana aanu jirin.
Qorshaha Donald Trump ayaa la rumeysanyahay iney garab taaganyihiin dowladaha carabta, inkastoo afka baarkii ay ka mucaaradeen, sida uu Trump sheegeyna waxaa qorshihiisa aad ula dhacay dowladaha caalamka.