Monday, May 12, 2025
HomeAll NewsTrump oo Sheegay inuu Isbeddel Buuxa ku Yimid Xiriirka Ganacsi ee kala...

Trump oo Sheegay inuu Isbeddel Buuxa ku Yimid Xiriirka Ganacsi ee kala Dhaxeeya Shiinaha.

Dawaladaha Shiinaha iyo Maraykanka ayaa wada dadaalo lagu gaarayo heshiis rasmi ah oo salka ku haya dagaalka ganacsi ee ka dhex qarxay labadan dawladood, waxaa shir albaabadu u xiran yihiin iskugu yimi mas’uuliyiin ka kala socda labada dhinac, kuwaas oo maalinkii labaa ku jira wadahadalo xiriir ah oo lagu qaboojinayo xiisada dhaqaale ee soo taagnayn bilihii ugu dambeeyay.

Madaxweynaha Mareykanka Doonal Taraam ayaa bogaadiyay wadahadallada isaga iyo Shiinaha uga furnay shalay sabatidii dalka Iswiizar-Laand, isagoo sheegay in labada dhinac ay ka wadahadleen dib u habeyn dhameystiran, taas oo lagusoo afjarayo dagaalka ganacsi ee hoos u dhigay dhaqaalaha labada wadan.

Trump ayaa bartiisa Turuuth Shooshiyaal ee uu ku leeyahay baraha bulshada kusoo qoray, “kulanku wuxuu ahaa kulan aad u wanaagsan oo aan Shiinaha maanta kula yeelanay dalka Iswiizar-Laand, wax badan ayaan ka wada hadalnay, waxaana ku heshiinay waxyaabo badan.” Taraam ayaana intaas raaciyay “ Waxaan rabnaa inaan aragno Shiinaha oo u furan shirkadaha Mareykanka, si aan uga wada faa’iideysano”.

Mas’uuliyiin sarsare oo ka kala socda Mareykanka iyo Shiinaha ayaa magaalada Jineefa kusoo gebagebeeyey maalintii ugu horreysay ee wadahadalada, kuwaas oo maanta oo Axad ah u balansan wareegi labaad ee wadahadalada la doonayo in lagu qaboojiyo dagaal ganacsi oo khatar ku ah dhaqaalaha caalamka. Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay, in labada dhinac ay doonayaan in ay dib u bilaabaan isusocodka badeecadaha, kuwaas oo ay xanibaad saarnayd mudooyinkii u dambeeyay.

Tan iyo markii uu Taraam dib ula wareegay xafiiska madaxwaynanimada ee dalka Maraykankan bishii Janaayo, wuxuu kordhiyay canshuuraha laga qaado badeecadaha ka yimaada Shiinaha, isaga oo gaarsiiyay illaa boqolkiiba 145, taas oo keentay in Shiinaha laftiisuna uu canshuuro kale oo aargoosi ah uu kusoo rogo badeecadaha Maraykanka, isaga garsiiyay canshuur gaaraysa illaa boqolkiiba 125.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.