Monday, April 7, 2025
HomeAll NewsTurkiga oo ka Hadlay Markab uu Leeyahay oo Lagu Weeraray Badda Cas.

Turkiga oo ka Hadlay Markab uu Leeyahay oo Lagu Weeraray Badda Cas.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa shalay ka hadashay, Markab sida ay shixnado oo watay Calanka Baanama, kaasoo ay badda Cas ku weerareen kooxda Xuuthiyiinta xilli uu marayay meel udhow xeebaha dalka Yaman.

Wasaaradda ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri: ‘’ waxaana cambaareyneynaa weerarka gentaallada ah ee ay Xuuthiyiintu ku qaadeen markabka xamuulka ah ee ay iska leedahay shirkad Turki ah oo watay calanka Baanama, xillii uu marayay meel udhow ee xeebaha Yaman.

Bayaanka kasoo baxay wasaaradda lagum xusin haddii ay jirto waxyeello soo gaartay markabka, balase waxaa lagu tilmaamay oo kaliya iney qaadeen, tallaabooyin lama maarmaan ah, si aysan usoo noqnoqon weeraradan oo kale.

Kooxda Xuuthiyiinta ayaa Talaadadii sheegtay weerarka ay ku qaadeen marabkan, waxayna xilligaasi warkooda ku xuseen iney si toos ah gentaallo ula beegsadeen markabka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.