Booliiska dalka Turkiga ayaa xabsiga dhigay ugu yaraan 28 xubnood oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ee lagu magacaabo CHP, kuwaas oo lala xiriiriyay eedaymo musuqmaasuq, iyadoo maxkamaddu waaran qabasho u jartay 47 xubnood oo kale.
Mas’uuliyiinta la xiray ee ka tirsanaa xisbiga mucaaradka, waxaa ka mid ah xildhibaan horay xil ugasoo qabtay dawladda iyo madax ka tirsan degmooyinka magaalada Istanbul, waxaana sidoo kale la weeraray xarumo dowladeed oo ku yaalla dhowr degmo.
Qabqabashada xubnahan ayaa kusoo beegmaysa, iyadoo horey loo xiray duqa magaalada Istanbuul, arrintaas oo dhalisay banaanbaxyo iyo eedeymo lagu muujinayo in dowladda Erdugaan ay cadaadis milatari u adeegsanayso caburinta shacabka Turkida ah.