Dhawaan waxaa Soomaaliya booqasho ku yimid taliye ku xigeenka ciidamada Uganda Gen. Sam Okiding, wuxuuna tegay saldhigyada askartoodu ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho iyo Shabeellaha Hoose.
Sarkaalkan ayaa ciidankooda uga baaqay iney casharro ka bartaan weeraradii waaweynaa ee horay loogu xasuuqay, wuxuuna uga digay iney ku dhacdo dharbaaxo lamid ah tii Buulo-Mareer iyo weeraradii kale ee lamidka ahaa oo horay usoo maray.