
Shirkaan ayaa waxaa la isku mari waayay xal uhelidda ciddii maalgalin layed howlgalka cusub ee ciidanka Shisheeye magaciisana loogu yeero AUSSOM, kaas oo qarka usaaran inuu dhaqaale la’aan uburburo.
Shirka ayaa lagu kala yaacay, waxaana madaxweynayaasha qaarkood ay ku goodiyeen in ciidamadooda ay kala baxayaan Soomaaliya sababa laxiriira dhaqaalo la’aan iyo saadkii ciidamada oo aan laheyn.
Dowladda Uganda oo kamid ah dowladaha ay ciidamadeedu duullaanka ku joogaan Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay kororka weerarada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka dhanka ah Dowladda Fedaraalka.
Wasiirka Difaaca ee Uganda Jacob Marksons Oboth oo khudbad ka jeedinayay shirka ayaa sheegay, in ammaanka Soomaaliya uu sii xumaanayo ayna sii kordheen weerarada ay fulineyso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Waxa uu tilmaamay in kororka weeraradaan ay meesha ka saarayaan nufuuddii ay Shisheeyuhu ku lahaayeen Soomaaliya, Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaabna ay halis galineyso amniga guud ahaan Bariga Afrika.
“Argagixisadu waxay halis weyn ku tahay Soomaaliya iyo Geeska Afrika, waxaan halis ugu jirnaa inaan luminno guulihii howlgalka ee aan sida adag ugu dagaalannay inaan helno” ayuu yiri Wasiirka Difaaca ee dowladda Uganda.
Hadalka wasiirkaan ayaa kusoo aadaya iyadoo warbaahinta reer-galbeedka iyo kuwa caalamkaba ay walaac xooggan ka muujiyeen kororka weerarada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, iyagoo halis weyn ku tilmaamay weerarkii dhawaan ka dhacay deegaanka Wargaadhi ee lagu dilay 60 askari oo katirsan Dowladda Fedaraalka.