Tuesday, July 1, 2025
HomeAll NewsUgu Yaraan 11 Qof oo ku Dhaawacmay Toogasho Ka Dhacday Dalka Mareykanka.

Ugu Yaraan 11 Qof oo ku Dhaawacmay Toogasho Ka Dhacday Dalka Mareykanka.

Dalka Maraykanka ayaa waxaa ka dhacay toogasho ay dad badan ku dhaawacmeen, taas oo si gaara uga dhacday magaalo xeebeed ay dad badan usoo damaashaad tagaan, falkan ayaana cabsi xooggan ka dhex abuuray gudaha Maraykanka.

Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhaawacmay xalay fiidkii toogashadan, taas oo ka dhacday magaalo xeebeedka Litol-Riifa  oo ku taalla Koonfur Bari Dalka Maraykanka, sida ay xaqiijiyeen booliiska degmada uu falku ka dhacay. Weerarkan ayaa gabi ahaanba badalay jawigii xeebta, kaas oo keenay in la xiro dhamaan wadooyinkii soo galayay halka uu falku ka dhacay, si loo xakameeyo dhaqdhaqaaqa goobta.

Laamaha booliiska ee magaalada Litol-Riifa  oo soo saaray warar hordhac ah ayaa sheegay, in dadkii falkan ku dhaawacmay loo gudbiyay xarumaha caafimaadka, kuwaas oo qaar kamid ah ay xaaladooda caafimaad aad u liidato, wararka ayaa intaas ku daraya in tirada dhaacyadu ay itaas ka badan karaan maadaama dadka qaar ay iskood u tageen xarumo caafimaad oo gaar loo leeyahay.

War rasmi ah oo ay booliisku soo saareen qiyaastii 90 daqiiqo kaddib dhacdada, ayaa lagu sheegay, in toogashadu ahayd mid si bareera loo fuliyay, iyadoo aan la shaacin sababaha suuragalka ah ee ka dambeeyay. Waxayna sidoo kale Booliisku xaqiijiyeen, in fuliyihii  hawgalkan uu baxsaday, ka hor inta aysan booliisku soo gaarin goobta.

Dhanka kale, sarkaal ka tirsan booliiska magaalada Nooth-Marteel oo qiyaastii 5 Kiiloomitir u jirta goobta ay toogashadu ka dhacday oo ka falcelinayay dhacdada, ayaa si kadis ah xabad u furay, kaas oo ku dhawacmay rasaastii uu isagu ridayay, kaddib markii ay cabsi xooggan soo food saartay.

Afhayeenka magaalada Nooth-Marteel, haweenayda lagu magacaabo La’ureen Jesiye, ayaa xaqiijisay, in sarkaalka is dhaawacay haatan lagu dabiibayo isbitaalada magaaladaas isla markaana xaaladdiisu tahay mid deggan.

Weerarada toogashada ah ayaa kusoo badanaya dalka Mareykanka, taas oo cabsi xooggan ku abuurtay Ameerikaanka gaar ahaan dadka Yahuudda ah ee dalkaas ku dhaqan, isbuucii ina dhaafay ayay ahayd markii sidan oo kale labo qof oo Yahuud ah lagu toogtay dalkaas, iyada oo fuliyihii weerarkaas uu sheegay, in falkiisu uu garab istaag u yahay dadka Muslimiinta ah ee lagu xasuuqayo Marinka go’adoonsan ee Qazza.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.