Thursday, May 1, 2025
HomeAll NewsUgu Yaraan 15 qof oo ku Dhintay Dab ka Kacay Hotel ku...

Ugu Yaraan 15 qof oo ku Dhintay Dab ka Kacay Hotel ku Yaalla Dalka Hindiya.

Dab aad u xooggan ayaa si lama filaan ah galabnimadii shalay uga kacay hoteel dhowr  dabaq ka kooban oo ku yaalla magaalada Kalkoota ee waqooyiga Hindiya, kaas oo sababay khasaare lixaad leh oo naf iyo maalba leh sida ay maanta warfidiyeennada u sheegeen booliisku dalkaas.

Waxaana lasoo warinyaa in ugu yaraan 15 qof ay ku nafwaayeen dabkaas, kuwaas oo isugu jira kuwa dabka ku dhintay iyo qaar intii ay dabka ka cararayeen iska tuuray dabaqa oo sidaasi ku geeriyooday.

Dhankeeda, wakaaladda wararka ee Hindiya ayaa sheegtay, in la arkay dad badan oo isku dayaya inay ka baxsadaan daaqadaha ciriiriga ah ee dhismaha, wakaaladda  ayaana baahisay muuqaalka hotelka oo uu dab ka kacayo, kaas oo lagu arki karo dabka oo qabsaday fikta sare e hoteelka.

Mid kaimada tiliyaasha booliiska ee dalkaas ayaa warbaahinta u sheegay, in dhowr  qof laga soo badbaadiyay qolalka iyo saqafka sare ee hoteelka, isagoo intaas ku daray, in saacado kadib ay ku guulaysteen inay damiyaan dabkaas, kadib markii uu dilay ugu yaraan 15 qof.

Dalka Hindiya ayaa waxaa aad ugu badan dababka ka kaco dhismayaasha, kaas oo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdaan dad badan, waxaana arintaasi loo sababaynayaa, la’aanta qalabkii looga hortagi lahaa dabka iyo dadka oo arintaasi wax xil ah iska saaraynin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.