Wararka ka imaanaya dalka Nayjeeriya ee dhaca galbeedka Afrika ayaa tilmaamaya in dalkaas uu ka dhacay qarax xooggan oo lala eegtay ciidamo gacansaar dhow la leh askarta Nayjeeriya, halkaas oo ay ku dhinteen tobanaan ka mida askartii goobta ku sugnaa, sida ay sheegeen laamaha booliiska ee dalkaas.
Ugu yaraan 20 xubnood oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen maleeshiyaad calooshood u shaqaystayaal ah oo ka barbar dagaalama ciidamada dawladda ayaa lagu dilay weerarkan, kuwaas oo 18 kamid ah ay goobta ku naf baxeen, halka 2 kalana ay dhinteen, kaddib markii la geeyay cisbitaal ku yaalla magaalada Konduga oo ah halka uu qaraxu ka dhacay.
Hawgalkan ayaa dhacay xili habeen ah oo ay jirtay saxmad aad u badan, kaas oo si gaara uga dhacay goob barkulan u ahayd ciidamada la beegsaday. Wararka laga helayo goobta ayaa tilmaamaya in qaraxu uu ahaa mid si wayn u gilgilay guud ahaan deegaanka Konduga, isla markaana uu sababay burburka dhismayaal ka agdhawaa goobta.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobalka oo arintan ka ahadlay ayaa sheegay, in hawgalkan uu ahaa mid aad u xooggan, kaas oo saameeyay bar kontarool oo ku dhex taalla gudaha magaalada Konduga, ayna ciidamadu ka sugaan amaanka gudaha, iyaga oo sheegay inay dabagal ku hayaan cida sida rasmiga ah uga dambaysa weerarkan.
Goobta uu qaraxu ka dhacay oo ah magaalada Konduga, ayaa horay u marti galisay weerarro kuwan lamid ah, oo galaaftay nolosha boqolaal kamida ciidamada dawladda iyo kuwa calooshood u shaqaystayaasha taageera. Magaaladan ayaana 40 kiiloomitir u jirtaa magaalada weyn ee Ma’iduguuri oo ah xarunta gobolka Borno, taas oo ah halkii barkulanka u ahayd kacdoonkii hubeysnaa ee dalkaa Nayjeeriyay gilgilay tan iyo sanadkii 2009-ka.