Habeenkii xalay oo Talaado ay soo geleysay waxay xukuumadda Kyiv weeerar loo adeegsaday diyaarado kuwa aan duuliyaha lahayn ah ku qaaday, dhismayaal shidaal oo dhowr ah kuwaasoo gudaha dalka Ruushka.
Xaakimka mandiqadda Rustuuf oo ku taalla meel udhow wadana Ukraine, ayaa sheegay in in diyaaradaha qaarkood lagu dhuftay labo dhisme oo mid kood lagu keydiyo shidaalka.
Wasaaradda difaaca Ruushka oo dhankeeda ka hadashay weerarkan ayaa sheegtay in difaaceeda hawada uu ka hortegay 18 diyaaradood oo Drones ah islamarkaana ku burburiyay hawada mandiqado dhaca Koonfurta iyo Galbeedka Ruushka, sida ay hadalka udhigtay.
Waxay sido kale wasaaraddu intaasi ku dartay, in 10 diyaaradood oo kale lagu burburyay hawada mandiqadda Rustuuf, halka inta kale ee ay soo hartayna ay sheegeen in meelo kale lagu burburiyay.
Muuqaal laga soo duubay gudaha Ruushka ayaa muujinaya in weerarka Ukraine uu wax yeello ugeystay Ruushka, waayo waxaa la arkayaa mid kamid ah magaalooyinka uu beegsaday weerarkan Droneska loo adeegsaday oo uu holac aad uweyn ka baxayo.