Saturday, July 5, 2025
HomeAll NewsUkraine oo Duqeyn ku Dishay Sarkaal Sare oo Katirsan Ciidanka Badda ee...

Ukraine oo Duqeyn ku Dishay Sarkaal Sare oo Katirsan Ciidanka Badda ee Ruushka.

Wararka kasoo baxaya dagaalka u dhaxeeyo Ruushka iyo Yukrayn ayaa ku waramaya, in taliye ku xigeenka ciidamada badda ee Ruushka, lagu dilay weerar gantaal ah oo ay ciidamada Yukrayn ku qaadeen xarun talis oo ay millatariga Ruushka ku leeyihiin gobolka Kurask ee dhaca xadka labada dal.

Gadoomiyaha gobolkaas ayaa shaaca ka qaaday, in Miijoor Miikhaa’il Juudkoof oo ahaa taliye ku xigeenka ciidamada badda ee Ruushka la dilay isagoo gudanayay waajibaadkiisa shaqo, uuna ku baxay duqayn ay diyaaradaha Yukrayn ku qaadeen mid kamida magaalooyinka dhaca gobolka Kurask.

Juudkoof waa mid ka mid ah saraakiisha ugu caansan Ruushka ee la dilay tan iyo bilowgii dagaalka Ruushka iyo Yukrayn. Madaxweynaha Ruushka Faladamir Buutin ayaa u magacaabay taliye ku xigeenka ciidamada badda ee Ruushka bishii Maarso ee la soo dhaafay,

waxaana intii uu shaqada ku jiray uu helay dhowr billada oo millateri, balse Yukrayna ayaa muddo dheer ku eedaysay inuu galay dambiyo dagaal oo iyada ka dhan ah, waxayna ugu danbayntii ku guulaysatay inay ka takhalusto sarkaalkaas oo ay meesha ka saarto.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.