Maraykanka iyo Yukrayn ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan inay Waashiton hesha kheyraadka dabiiciga ah ee ceegaaga dalka Yukrayn, taas oo bilihii lasoo dhaafay uu ad ugu sacyinayay madaxwaynaha Mareykanka Doonal Taraam.
Wasiirka dhaqaalaha ee Yukrayn haweenayda lagu magacaabo Yuliyaa Sifiiridenko ayaana xaqiijisay saxiixa heshiiskan, iyadoo tiri, “Waxaan ka shaqeyneynaa inaan sameyno sanduuq soo jiidanaya maalgashiga caalamiga ah ee dalkeena annaga oo kaashanayna Washitoon.”
Wakaaladda Ameerikaanka ah ee Buluumbeerig ayaa sheegtay, in heshiiskani uu siin doono Maraykanka mudnaan gaar ah si uu u helo mashaariic cusub oo maalgashi ah oo lagu horumarinayo khayraadka dabiiciga ah ee Yukrayn, oo ay ku jiraan macaadinta kala ah Aluminiyom iyo Gharaafiit, iyo khayraad ay kamid yihiin saliidda iyo gaaska dabiiciga ah.
Dhankeeda, waaxda maaliyadda ee Mareykanka ayaa tibaaxday, in labada dhinac ay kala saxiixdeen heshiis lagu dhisayo sanduuqa maalgashiga ee dib u dhiska ah.
Balse wajiga dhabta ah ee hashiiskaan ayaa ah, in maamulka Taraam uu doonaya inuu dib u soo ceshado dhaqaalihii uu siinayay Kiyeef, intii ay ku guda jirtay ka hortagga duulaanka uu Ruushku kusoo qaaday dalkeeda.
Taraam ayaa horraantii bishii Febraayo ee lasoo dhaafay sheegay, in Yukrayn ay waajib ku tahay inay Mareykanka siiso macaadinta naadirka ah ee dalkeeda ku jirta, isaga oo arrintan ku tilmaamay, mid magdhaw ka ah taageeradii dhaqaale ee ay Waashitoon u fidisay Kiyeef intii ay dagaalka kula jirtay Mosko.
Waxa uuna afka ku balaariyay, in Maraykanku uu Yukrayn u fidiyay gargaar aad uga badan midka uu siiya dalalka kale, isagoo yiri, “Waxaan ku kharash garaysay in ka badan 300 oo Bilyan Doollar, halka Yurub ay ku kharash garaysay 100 Bilyan oo Doollar, taasi waxaaa u dhaxeeya farqi wayn.”
Waxaana xusid mudan, in Taraam uu horaantii bishii ina dhaaftay ee Maarso uu si kumeel gaar ah u hakiyay taageerada Mareykanka ee Yukrayn ka gadaala markii maxadwaynaha Yukrayn Faladamiir Zalaniski uu ka cagajiiday saxiixa hashiiskaas, taas oo cadaadis kadib uu manta aqbalay waana arin ay wax ku qaadan karaan dowlaha maanta ku tiirsan taageerada Mareykanka ee dhanlanteedka ah.