Sirdoonka Yukrayn ayaa ku dhawaaqay, inay guul ka gaareen howlgal ballaaran oo lagu bartilmaameedsaday inka badan 40 diyaaradood oo istiraatiji ah oo uu Ruushku leeyahay, kaas oo ka dhacay gudaha Ruushka, iyadoo Mosko ay wacad ku martay inay jawaab ka bixin doonto weerarkaas.
Websaytka Mareykanka ee Aksiyuus ayaa ka soo xigtay sarkaal Yukreeniyaan ah oo sheegay, in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ciidamada Yukrayn ku qaadeen gawaarida xamuulka qaada oo si qarsoodi ah loo dhigay meel u dhow saldhigyada ciidamada cirka ee Ruushka, saldhigyadaas oo mid ka mid ah uu ku yaalla mandiqadda Saybeeriyaa, oo kumanaan kilomitir u jirta Yukrayn. Waxa uu tilmaamay sarkaalkan, in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee la weeraray ay ciidamada Ruushka u adeegsanayeen inay duqeymo kaga geystaan magaalooyinka waawayn ee Yukrayn.
Wakaaladda wararka ee Roytaris oo soo xiganayso sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka ee Yukrayn iyo sawirro la soo dhigay baraha bulshada ayaa ku warantay, in sirdoonka Yukrayn ay diyaarado aan duuliyaha lahayn oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa ay kusoo rareen gawaarida xamuulka qaada oo dusho saro laga saaray alwaaxyo iyo qashin si aysan u dareemin sirdoonka Ruushka, taas oo u suurta galisay inay kumanaan Kiiloo-mitir gudaha u galaan dalka Ruushka oo ay burburiyaan inka badan 40 diyaaradood oo istiraatoji ah oo uu leeyahay Ruushka, sida ay shaaciyeen saraakiisha Yukrayn
Madaxweynaha Yukrayn Faladamiir Zalaniski ayaa shaaca ka qaaday, in ciidamadii Yukrayn ee howlgalkaas fuliyay ay isaga baxeen dhulka Ruushka waqtigii loogu talagalay, wuxuuna intaas ku daray, in natiijadii howlgalkaas uu ahaa mid cajiib ah, isagoona tibaaxay Madaxweynaha Yukrayn, in qorsheynta iyo diyaarinta hawlgalkaas uu qaadatay, muddo hal sanno iyo bar ah.
Ruushka ayaa qirtay in weerarada Yukrayn lala beegsaday garoomo diyaaradeed oo ku yaala shan gobol, wuxuuna xaqiijiyay inay iska caabiyeen qaar ka mid ah weeraradaasi, ayna xireen tiro ka mid ah dadkii ku lug lahaa. sidoo kale Ruushka ayaa wacad ku maray, inuu jawaab adag oo ay Yukrayn ku khasaarta in badan oo ka mid ah magaalooyinkeeda waaweyn uu ka bixin doona.
Arrimahan ayaa ku soo beegmay, iyadoo lagu wado, in dowladaha Ruushka iyo Yukrayn ay mar labaad wada-xaajoodya ku yeeshaan magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, sida ay tabiyeen warbaahinno caalami ah.