Madaxweynaha dalka Yukrayn Faladamiir Salaniski oo lahadlay warbaahinta dalkaas ayaa Shiinaha ku eedeeyay in uu Ruushka ku wareejiyay saanad ciidan oo aad u badan, isaga oo ka dhawaajiyay in muwaadiniin Shiinays ah ay ka shaqeynayaan goobaha lagu farsameeyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka, kuwaas oo weerarro joogto ah ku haya Yukrayn.
Hadalka Salaniski ayaa yimid xili uu shir jaraa’id ku qabanayay magaalada Kiyeef maalmo un kaddib markii uu sheegay, in muwaawaadiniin kasoo jeeda shiinaha ay qayb ka yihiin ciidamada Ruushka. Eedayntan loo jeediyay Shiinaha ayaa noqonaysa markii ugu horeysay oo dalkaas lagu eedeeyo inuu si toos ah kaalmo militari u siiyo Moosko, taas oo ay Biijiin si adag u beenisay.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Yukrayn ayaa sheegay, in uu kulan la qaatay safiirka Shiinaha u fadhiya dalkiisa, isagoo uga warbixiyay taakulaynta iyo taban-taabada ay dawladiisu lagarab taagan tahay Ruushka, iyadoo qayb wayn ka ah wax soo-saarka Ruushka ee diyaaradaha darooniska ah.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Salaniski uu horaantii bishan Abriil sheegay, in Ruushku uu baraha bulshada ka qoranayo muwaadiniin Shiinees ah, si ay uga qayb qaataan dagaalka adag ee uu kula jiro dawladda Yukrayn. Billo kahor ayay ahayd markii sidan oo kale ay Yukrayn ugu eedaysay dawladda kuuriyada waqooyi inay ciidamadeedu ka barbar dagaalamayaan kuwa Ruushka, taas oo banaanka timi kaddib dagaal ka dhacay gudaha Yukrayn lagu qabtay askar kasoo jeeda dalkaas.